Booliska Helsinki oo xiray wiil iyo gabar 16 sano jir ah oo looga shakisanyahay in ay haweeney 19 sano jir ah ku dileen Myllypuro, Helsinki

Sawirku kiiska lama xiriiro

War ka soo baxay booliska Helsinki ayaa lagu sheegay, in xabsiga loo taxaabay 15.4.2023 labo dhallinyaro ah oo aan qaangaarin kaddib markii looga shakiyay fal dil ah oo ka dhacay xaafadda Myllypuro ee Bariga Helsinki.

Meydka haweeneydan 19 sano jir ah ayayd ayaa laga helay guri ku yaal xaafadda Myllypuro. Boolisku waxay tuhunsan yihiin in dembigan uu dhacay 23.3.2023.

Tuomas Lindholm, dembi-baaraha kiiskan hoggaaminaya ee ka socda booliska Helsinki ayaa sheegay in baaritaanku uu ku billowday ka salgaaridda caadiga ah ee sababta geerida, laakiin ay soo baxeen arrimo muujin kara, in dhibanuhu ay u geeriyootay waxyeello ay dadka kale u geysteen oo aanay caadi u dhiman.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay, in ay weli baarayaan sababta keentay falkan iyo sida rasmiga ah ee ay wax u dhaceen.

Maalinta dacwad oogista kiiskan loo qabtay waa 26.6.2023.

Isha warka: Booliska Helsinki