Finland oo laga helay nooc cusub oo feyruska korona ee variantti-ga ah, walina baaritaan ayaa lagu hayaa awooddiisa faafista iyo tan ka hortaggiisa tallaalka.

Arbaca 17.02.2021. Shaybaarrada Finland ee Vita la yiraahdo ayaa sheegay in Koonfurta-Finland laga helay nooc cusb oo khaas ah oo ka mid ah feyruska cusub ee Variantti-ga.

Sida caadiga ah noocan oo sita astaanta ah Fin-796H, waxaa uu ka qayb yahay nooca cusub ee Varriantti-ga ee laga helay dalalka Ingiriiska iyo Koonfur-Afrika. Inkastoo sida ay shaybaarrada Vita sheegeen, in noocan cusub uu yahay mid khaas ah oo ka duwan kuwaa hore loo helay.

Sida ay sheegtay borofosoorad Taru Meri oo ku takhasustay arrimaha feyrusyada kana tirsan sheybaarrada Vita, waxaan noocan cusub ee feyruska laga helay bukaan lagu sameeyay baaritaanka toddobaadkii hore, walina wax warbixin buuxda ah lagama hayo awoodda faafistiisa, qaabka uu u faafayo oo dadku ugu nuglaanayaan iyo awooddiisa kahortagga tallaalka.

Sidoo kale wali warbixin buuxda lagama hayo halka noocan cusub uu ka soo bilowday, waxaase xaqiiq ah in uu ka yimid meel aan ahayn dalkan Finland, waayo dalkaan Finland marka xagga faaista feyruska loo barnardhigo dalalka kale ee caalamka, si aad ah ayay uga yar tahay tan dalalkaa kale.

Xigasho: YLE