Finland waxaa laga helay 322 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah

Axad 29.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 322 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 24 629 qof.

 

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 53 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 193 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 46 qof ah, kaalinta saddexaadna waa gobolka Varsinais-Suomi oo 26 qof ah. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (111), Oulu(37), Vantaa (32), Espoo (22), Turku (11), Salo (8), Järvenpää (6), Tuusula (6), Kouvola (6), Gobolka Satakuna (20)

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 152 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 19 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada bukaanka isbitaalka ku soo kordhay 39 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  tahay 393 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

17 838 334 62 271 353
 

Tirada u dhimatay feyruska

405 044    1   453 531

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 13,6    milyan   143 373    1 216 272 254
  2 Hindiya 9,39    milyan     41 815       495 136 733
  3 Baraaziil 6,29    milyan     51 922       639 172 637
  4 Ruushka 2,24  milyan     27 100       510   39 068
  5 Faransiiska 2,20  milyan      12 580      213   52 127
  6 Spain 1,64    milyan       44 688
  7 Ingiriiska 1,60    milyan      15 871      479   58 030
  8 Talyaaniga 1,56  milyan      26 323      686   54 363
  9 Arjantiin 1,41    milyan        6 098      106   38 322
10 Kolombiya 1,29    milyan        9 103      187   36 401
11 Mexico 1,09    milyan       12 081       631 104 873
12 Jarmalka 1,04    milyan       14 645       205   16 377

Xigasho: YLE, HS, Worldmeters