Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 178 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 24.10.2020 laga helay feyruska korona 178 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 14 652 qof.

Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyina kala ah, Helsinki 67, Espoo 18, Vantaa 14, Vaasa 5, Pohjois-Pohjanmaa 15, Tampere 5, Turku 6.

Tirada dhimashada ee illaa iyo haatan la diiwaangeliyay waa 353. Daryeel awgiis waxaa isbitaalka ku jira 59 qof, 11 kamid ah waxaa ay ku jiraan qeybta xaaladda aadka u daran

 Magaalada Jyväskylä oo mar kale carruur badan iyo shaqaale xannaano carruurta ah la geliyay karantiil

Magaalada Jyväskylä ayaa karantiil gelisay 28 carruur ah oo ku jirta xannaanada carruurta Kuokkala, 11 ka tirsan carruurta ku jirta waxbarashada hore ee xannaanada Polttolinja iyo 11 shaqaalaha xannaanada ah, kaddib markii ay u nuglaadeen feyruska korona.

U nuglaanta feyruska ayaa waxaa ay dhacday 20 ama 21 bishan Oktoobar. Waxaana karantiilku uu socon doonaa muddo 10 maalmood ah.

Daryeelka caafimaadka ee magaalada ayaa la xiriirey qoysaska dadka la geliyay karantiilka iyo shaqaalahaba.

Tirada dadka uu ku dhacay adduunkoo dhan oo gaartay 42 milyan

 Wali waxaa cirka isku sii shareeraya tirada adduun ahaan dadka uu ku dhacay feyruska korona, iyadoo aad looga cabsi qabo in uu sii karaar qaato xilliga qaboobaha oo foodda nagu soo haya awgeed.

Sida ay tirakoob ku sheegtay wakaaladda wararka Reuters in ka badan 42 milyan oo qof ayuu ku dhacay feyrusku adduunkoo dhan, halka ay tirada dhimashadu ka gaartay Hal milyan 143 kun oo qof.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in haatan meelaha ugu darran ay yihiin dalalka dhinaca waqooyi ee adduunka, kuwaaso ay ka jirto xaalado aad u daran oo feyruska korona ah, waxaana arrinkaa uu keenay in dalalka qaarkood ay isbitaalladii buux dhaafaan.

Dalka Poland

Waxaa feyrusku uu ku dhacay madaxweynaha dalkaas Andrezej Duda, laakiin sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalka Poland, xaaladda madaxweynuhu aad ayay u fiican tahay.

Dalka Bulgaariyana, sida ay sheegeen howlwadeennada caafimaadka waxaa karantiil la geliyay ra’iisul wasaaraha dalkaas iyo saddex ka mid ah wasiirradiisa, kaddib markii ay wada kulmeen wasiir kuxigeen laga helay feyruska korona.

Dalalka Yurubna, gaar ahaan kuwa bari, waxaa ay dalalkooda ku soo rogeen xadidaado hor leh oo looga hortagaayo feyruska korona, kaddib markii faafista feyrusku ay aad kor ugu sii kacday.

Yurub qaarad ahaan waxaa feyrusku uu ku dhacay in ka badan 8,2 milyan oo qof, waxaana u dhintay in ka badan 258 kun oo qof.

Magaalada Napoli-na waxaa foodda is daray booliska iyo bannanbaxayaal ka soo horjeeda xayiraadaha cusub ee lagu soo rogay magaalada si looga hortago faafista feyruska.

Dadka bannaanbaxaya ayaa waxaa ay ka cabaynayaan, in haddii guryaha lagu celiyo aanay heleynin cid siinaysa nololmaalmeedkooda, waxaana ay booliska ku tuurayeen wax ksta oo ay gacatoodu qabanaysay, halka booliskuna uu ka adeegsaday sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dalka Isbeyn ayaa 17 ka maamulgoboleed ee dalkaas ka jira waxaa ay xukummadda dhexe ee dalka ka talisa ka codsadeen in ay dalka ku soo rogto xukun degdeg ah, si loo joojiyo xaaladda cudurkan safmarka korona ee si aad kor ugi sii kacaya dalka Isbeyn.

Maamul goboleedyada ayaa doonaya in dhammaan dalkaas lagu soo rogo bandow, dadka loogu diidaayo in ay socdaan bannaanka.

Arbacadii ayuu dalka Isbeyn noqday dalka Lixaad ee caalamka, oo tirada dadka laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay hal milyan oo qof. In kabadan 38 000 oo qof ayaa u dhintay feyruska.

Qaaradda Aasiya

Qaaradda aasiya waxaa dadka feyrusku uu ku dhacay ay kor u dhaafeen 10 milyan oo qof. Waxaana ugu badan dalka Hindiya oo maalin walba laga helo feyruska dad kor u dhaafaya 57 000 oo qof.

Indoonisiya ayaa iyaduna kor u dhaaftay dalka filipiin toddobaadkii la soo dhaafay, waxaana tirada dadka laga helay feyruska ay gaarayaan 370 000 oo qof.

Haatanna dalalka ugu horeeya feyruska korona ee caalamka, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, kuwaasoo tirada daka laga helay ay hal milyan ka sarreyso:

Dalka Tirada guud ee feyruska Tirada guud ee dhimashada Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada
Maraykanka 8,7 milyan 229 284 81 210 903
Hindiya 7,8 milyan 117 992 54 028 656
Baraaziil 5,4 milyan 156 528 23 016 566
Ruushka 1,5 milyan 25 525 17 340 283
Spain 1,1 milyan 34 752 19 851 231
Argentiin 1,06 milyan 28 338 15 718 298
Faransiiska 1.04 milyan 29 802 34 508 166

 

Xigasho:YLE,HS,ALJAZEERA