Finland waxaa laga helay maanta 229 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 08.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 229 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 561 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 954 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 85 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 50 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo  laga helay 31 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 37
Lahti 25
Turku 23
Vantaa 19
Espoo 15
Salo 13
Imatra 8
Tampere 7
Raisio 7
Vaasa 5
Kokkola 5
Oulu 4
Hollola 3
Kokemäki 3
Jyväskylä 3
Janakkala 3
Saarijärvi 2
Riihimäki 2
Kotka 2
Tornio 2
Hämeenlinna 2
Joroinen 2
Inkoo 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 133 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 922 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 946 oo qof, kuwaasoo 4 924 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 020 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 903 818 oo qof (08.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 158 044 535 51 210 387
Tirada u dhimatay feyruska 3 291 489 1 087 723

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 657 631 42 989 194
Tirada u dhimatay feyruska  124 226 558 230

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 21,886,611   401 326    4 194  238 265
Baraaziil 15,087,360     78 337    2 217  419 393
Turkiga  4,998,089     20 107       278    42 465
Jarmalka  3,504,012     17 550       245    85 056
Arjantiin  3,118,134     22 552       609    66 872
Kolombiya 2,968,626     17 525       453    76 867
Iiraan 2,627,094     17 076       335    74 241
Faransiiska 5,747,214     19  124       235   106 101

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,007,792    5 712     14 137
63 Denmark 256,482    1 012     1    2 493
88 Norwey 115,411    506           767
159 Iceland  6 500    3              29
42 Saudi-Arabia  423,406    1 090     14     7 032
133 Soomaaliya  14 368    247     24       745

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS