Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 287 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday inTalaada 13.10.2020 laga helay feyruska korona 287 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 12 499 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista aadka ah ay ka jirto waa magaalooyinka Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 83 qof oo cusub oo hor leh (Helsinki 53, Espoo 9 iyo Vantaa 11 iyo Vaasa oo laga helay 98 qof oo cusub.

Sida ay sheegtay hay’adda THL Finland wax dhimasho ah kama dhicin. Illaa iyo hadda tirada dhimashada waxaa ay mareysaa 346 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa haatan ku jira 46 qof, Qaybta xaaladaha aadka u daran waxaa ku jira 10 qof.

Shirkadda Finavia oo adkeyn doonta isticmaalista afshareerka

Shirkadda mas’uulka ka ah arrimaha gegida dayuurada caalamiga ah ee Helsinki-Vantaa ayaa laga bilaabo maanta waxaa ay dhammaan dadka musaafiriinta ah iyo kuwa kale ee jooga garoonka diyaaradaha ay ku soo rogeysaa nidaamka ah in ay isticmaalaan afshareerka, mudada ay garoonka dhexjoogaan oo dhan.

Shirkadda Finavia waxaa ay isticmaalka afshareerka hore u soo jeedisay bishii May. Nidaamkaan cusub oo kii hore ka adag, waxaa ay shirkadda Finavia ku dooneysaa in ku ilaaliso caafimaadka dadka musaafuriinta ah iyo shaqaalaha gegida diyaaradaha. Sidoo kale waxaa ay shirkaddu dooneysaa in la sugo suurtaggalnimada ah in dadku ay u safraan si ammaan leh.

Diyaaradda ka timaadda waqooyiga Makedooniya ee Jimcihii ka soo degtay gegida dayuuradaha ee Turku oo 7 qof laga helay feyruksa korona

Diyaaraddii Jimcihii soo cagadhigatay Turku ee ka timid caasimadda waqooyiga Makedooniya Skopje ayaa 7 qof oo saarnaa waxaa laga helay feyruska korona.

Sida ay sheegeen maamulka magaalada Turku, diyaaradda waxa saarnaa 49 qof oo musaafuriin ah, waxaana saamiga baarista Korona laga qaaday 43 qof. Dhammaan dadka musaafuriinta ahna waxaa loo sheegay in ay galaan karantiil.

Waqooyiga Makedooniya waxaa ay ku jirtaa liiska goobaha ay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ay ku tilmaantay in ay yihiin goobaha aadka khatarta ah ee midabka cassaanka, kaasoo tilmaamaya in xaaladda faafista feyruska ee halkaas ka jirta ay tahay mid aad u sarreysa.

Diyaaradaha ka imaanaya Skopje waxaa la joojiyay muddo bil ka badan. Diyaaradda tan xigtaa waxaa imaan doontaa Jimcaha soo socda ee 16.10. Gegeida diyaaradaha ayay hawlwadeennada magaaladu uga hortagi doonaan.

Kooxda arrimaha korona ee gobolka Pirkanmaa oo ka digay in magaalada Vaasa loo safro

Kooxda ka talabixinta arrimaha korona ee gobolka Pirkanmaa ayaa soo jeediyay in aan safar lagu aadin magaalada Vaasa. Waxaana ay gudigu sheegeen in khatarta ah in qofku uu ku xanuunsado Vaasa  iyo nawaaxigeeda ay la mid tahay tan safarka dibadda oo kale.

Waxaa kaloo kooxdaas ay soo jeediyaan in aan la isugu imaan karin wax ka badan 50 qof. Xitaa goobaha ay dadka tirada yar joogaan waxaa loo soo jeedinayaa in ay isticmaalaan afshareerka, haddii aanay masaafada ammaanka isu jirsan karin.

Xaalladda gobolkaas ee feyruska korona ayaa ah mid wali aad u sarreysa, waxaana ay maraysaa isla heerkii toddobaadki hore oo kale. Soo ifbaxa feyruska korona ee gobolkaa ayaa 21,9 boqolkii kun ee qof ee kastaaba.

Cilmibaaris cusub oo tilmaameysa in Feyruska Korona qofka uu ku dhaco uu muddo afar bilood ah jirkiisu helaayo difaaca jirka

 Cilmibaaris ay isla sameeyeen hay’adda THL iyo magaalada Helsinki ayaa sheegeysa in qofka uu ku dhacay feyruska korona, uu jirkiisu yeelanaayo difaaca jirka muddo afar bilood ah.

Cilmibaaristaan oo la bilaabay bishii saddexaad ee sannadkaan, ayaa cilmibaaraha ka mas’uulka ah hawshaan Merit Melini waxaa ay sheegtay, in lid-jirgalayaasha ka dhalanaya caabuqa iyo difaaca jirkuba ay ugu yaraan afar bilood ku sii baaqi ahaan karaan qofka jirkiisa.

Cilmibaaristaan waxaa ka qaybqaatay 39 qoys, kuwaasoo qaar ka mid ah xubnaha qoysaskooda laga helay feyruska korona.

Inta ugu badan dadka uu ku dhacay feyruska ee baaritaanka lagu sameeyay, waxaa jirkoodu uu difaaca yeeshay markii ay muddo bil ah kaddib markii uu ku dhacay feyrusku.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Dalka Poland

 Ra’iisul wasaaraha Poland Mateuzs Morawiecki ayaa la geliyay karantiil, kaddib markii uu u nuglaaday feyruska korona. Sida ay dowladda Poland bayaan ku soo saartay, Morawiecski waxaa uu jImcihii la soo dhaafay la kulmay qof laga helay feyruska korona. Waxaana bayaankaas dowladdu ay ku sheegtay in ra’iisul wasaaruhu aanu lahayn wax astaamaha cudurka ah, baaritaankii laga qaadayna aan laga helin wax tilmaamaya feyruska korona.

 Dalka Ruushka

 Dalka Ruushkana waxaa maanta feyruska korona laga helay 13 868 qof. Mar kale ayay tiradaasi jebisay rikoorka ah tirada ugu badan ee maalin gudaheed dalkaas Ruushka laga helo dad uu ku dhacay feyruska korona, tan iyo markii xanuunkaan safmarka ah uu ka dillaacay Ruushka.  Axaddii la soo dhaafay ayaa sidoo kale tiro aad u badan laga helay feyruska, taasoo aheyd 13 634 qof oo cusub.

Xarunta xaaladaha khatarta ah ee Korona ee Ruushka waxaa kaloo ay sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay dalkaas Ruushka 244 qof u dhinteen feyruska korona awgiis.

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska ee dalkaas Ruushka ayaa ah 1,3 milyan oo qof, waxaana u dhintay feyruska awgiis 22 966 qof.

Dalka Jamhuuriyadda Check

 Dowladda dalkaas Check ayaa xayiraado adag oo cusub ku soo rogtay dalka, si looga hortago xaaladda faafista feyruska korona oo ka sii dareysa sidii hore. Waxaa xukuumaddu ay xirtay baararkii khamriga, maqaaxiyihii iyo naadiyada caweyska, laga bilaabo maalinka arbacada ah ee soo socda illaa iyo 3 da bisha November.

Waxbarashada iskuullada oo dhan ayaa loo wareejin doona dhanka internetka. Wasiirka caafimaadka ee dalka Check Roman Prymula ayaa bartiisa tiwiiterka ku sheegay, in kulamada dadka laga dhigi doono lix qof oo kaliya, waxaa la mamnuucay in khamriga lagu iibiyo goobaha caamka ah ee magaalada, sidoo kale waxaa khasab laga dhigay in la isticmaalo afshareerka marka la joogo maxadooyinka gaadiidka dadweynaha iyo marka gaadiidka dadweynaha la raacayaba.

Dalka Holland

Wararka ka imaanaya dalka Holland ayaa sheegaya in haweeney markii labaad uu ku dhacay feyruska COVID-19 ee korona ay u dhimatay xanuunka awgiis. Waxaana sidaa sheegay wargeyska Aftonbladet oo soo xiganaayay warbixin ay soo saartay jaamacadda Oxford.

Arrinkaas waxaa uu noqonayaa xaaladdii ugu horreysay ee la ogyahay, taasoo uu qof u dhinto markii labaad ee uu feyruska korona ku dhacay.

Haweeyneydaas ayaa da’deedu ahayd 89 sano jir, waxaana ku dhacay kansarka dhiigga ee naadirka ah. Waxaana isbitaalka lagu daryeelaayay shan maalmood oo sannadkan bilowgiisa ah.

Shirkadda daawada ee Johnson & Johnson oo si kummeelgaar ah u joojisay tijaabadii tallaalka korona ee ay wadday diyaarintiisa.

Shirkadda daawooyinka aadka u weyn ee dalkaas Maraykanka ee la yiraahdo Johnson & Johnson ayaa si kummeelgaar ah u joojisay tijaabadii tallaalka korona ee ay shirkaddu wadday sameyntiisa, kaddib markii qaar ka mid ah dadkii tijaabada tallaalka ka qaybqaadanaayay ay xanuunsadeen. Shirkadda ayaa arrinkaas ku soo qortay boggeeda Internetka.

Waxaa shirkaddu ay sheegtay in ay joojinayso tijaabadii caafimaad ee horumarinta dhammaanba qaybihii kala duwanaa ay hawsha tallaalka korona.

Sida ay shirkaddu sheegtay sababta loo joojiyay tijaabadaas ayaa ahayd, kaddib markii qof ka mid ah dadkii lagu tijaabinaayay tallaalka uu u xanuunsaday qaab kedis ah oo aan la garan karin.

Xigasho: YLE, HS, ALJAZEERA