Finland waxaa laga helay maanta 856 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

Sabti 20.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 856 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 71 123 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 571 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 91 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 505 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 107 qof, gobolka Päijät-Häme oo laga helay 60 qof, iyo Pirkanmaa oo laga helay 58 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 263 Heinola 4
Vantaa 91 Hamina 4
Espoo 82 Kotka 3
Turku 64 Uusikaupunki 3
Lahti 43 Kauniainen 3
Tampere 41 Raisio 3
Hämeenlinna 21 Kokkola 3
Jyväskylä 19 Vihti 3
Lappeenranta 17 Sipoo 3
Porvoo 13 Janakkala 3
Kerava 10 Tuusula 3
Nurmijärvi 9 Kangasala 2
Kaarina 9 Parainen 2
Lohja 8 Vaasa 2
Lieto 8 Valkeakoski 2
Oulu 7 Virrat 2
Järvenpää 7 Kittila 2
Forssa 6 Mäntsälä 2
Pukkila 5 Sastamala 2
Kauhava 5 Tammela 2
Kuopio 5 Kouvola 2
Laukaa 5 Iitti 2
Pori 5 Aura 2
Hyvinkää 5 Kustavi 2
Hollola 5 Rauma 2
Rusko 4 Loviisa 2

Inta kale ee magaalooyinka soo harayna, waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 271 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  55 qof, waxaana tiradii shalay ku soo korortay 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 805 qof, kaddib markii THL ay sheegtay dorraad in hal qof oo hor leh uu u dhintay  xanuunka feyruska korona awgiis. Maanta hay’adda THL ma aanay sheegin wax dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 724 524 oo qof (20.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       40 901 223     123 018 966
               914 154          2 715 584

Xigasho: YLE,HS,WORLDOMETERS