22 520 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 37 xaalad oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 24.1.2022. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimcihii kaddib illaa maanta  laga helay feyruska korona  22 520 qof oo hor leh dalkaan Finland. Toddoadii maalmood ee ugu dambaysay waxaa laga helay 55 994 oo qof oo qaba korona, halka toddobaadkii ka horreeyay laga helay 64 505 oo qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 449 346 qof.

Faafista cudurka ee ugu weyn waxaa laga helay Helsinki, taasoo tirada laga helay aay noqotay 3 263oo qof. Espoo oo laga helay 2 335 iyo Vantaa oo laga helay 1 767 qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 682 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 52 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 827 oo qof, waxaana ay hay’adda THL sheegtay in xaaladaha dhimashada ee cusub ay gaarayso 37 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in  xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaatay 4,23 milyan qof , taasoo u dhiganta 88,3%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 4,07 milyan qof, taaso u dhiganta 85%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 2,15 milyan, taasoo u dhiganta 44.8%.
  • Dowladdu waxaa ay Talaadadii la soo dhaafay go’aamisay in la sii wado xadaymaha haatan jira, iyo talosoojeedinnada iyaga la xiriira illaa iyo kalabarka bisha Feberaayo.
  • Isticmaalka baasaboorka korona waa la joojiyay 30.12.2021-31.1.2022, taasoo loola jeedo in aan loo istimaali karin xadaymaha si looga gudbo. Dowladdu waxaa ay mustaqbalka dhow diyaarinaysaa istcimaalka ballaaran ee suuraggalka ah ee baasaboorka korona.
  • Feyruska Omikron waxaa laga helay magaalada Peking ee u diyaargaroobaysay ciyaaraha olombiga ee xilliga qaboobaha

Xigasho: Yle, HS, MTV3