Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 738 qof oo hor leh iyo hal qof oo dhimasho hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 06.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 738 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 110 720 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 107 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helayMeelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 372 qof.  Gobolka  Varsinais-Suomi  waxaa laga helay 85 qof, gobolka Pohjois-Pohjanmaa waxaa laga helay 79 qof .

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 188
Vantaa 66
Espoo 57
Turku 44
Taivalkoski 41
Tampere 31
Jyväskylä 29
Oulu 28
Lahti 19
Porvoo 16
Rauma 15
Rovaniemi 12
Kaarina 11
Joensuu 10
Kaarina 11
Joensuu 10
Kajaani 7
Kerava 7
Kouvola 7
Uusikaupunki 7
Kirkkonummi 6
Tuusula 6
Tuusula 6
Akaa 6
Lappeenranta 5
Salo 5
Lohja 5
Kuopio 5
Nurmijärvi 5
Tornio 5
Raisio 5
Kotka 4
Vaasa 4
Riihimäki 4
Huittinen 3
Savonlinna 3
Pori 3
Mikkeli 3
Järvenpää 3
Kokkola 3
Mäntsälä 3
Pöytyä 3
Kangasala 3
Somero 3
Nurmes 3
Vihti 3

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 97 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 986 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 11 588 oo qof, kuwaasoo 7 947 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 444 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 190 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 06.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,7 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 66,8 % tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,1 milyan, taasoo u dhigmata 37,6 % tirada dadka Finland (06.08.).