Finland waxaa laga helay maanta 286 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 dhimasho cusub ah.

Talaada 13.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 286 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 82 564 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 5 719 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 76 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 151 qof,  gobolka Vaisianis-Suomi oo laga helay 51 qof. Sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 31 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 71 Savonlinna 2
Vantaa 30 Lappeenranta 2
Espoo 23 Oulu 2
Salo 19 Lieto 2
Tampere 17    
Turku 14    
Kerava 6    
Mikkeli 6    
Lahti 5    
Seinäjoki 4    
Pirkkala 4    
Tuusula 4    
Nurmijärvi 4    
Porvoo 4    
Raisio 3    
Kaarina 3    
Kurikka 3    
Hämeenlinna 3    
Lempäälä 3    
Masku 3    
Kajaani 3    
Järvenpää 2    
Kotka 2    
Rauma 2    

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 182 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  38 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 877 qof, kaddib markii ay THl sheegtay dhimashada 3qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 52qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 156 058 oo qof (13.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 46 462 497 137 438 103
Tirada u dhimatay feyruska 1 000 847  2 962 139