7 472 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaalad oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 08.02.2022. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta  laga helay feyruska korona 7 472 qof oo hor leh dalkaan Finland. Maalintii shalay ahayd ayaa tirada la soo gudbiyay ee laga helay feyruska waxaa ay ahayd 19 898 qof iyo dhimashada oo ahayd 37 qof. Sida ay hay’addu sheegtayna tirooyinkaasi waxaa ay ahaayeen kuwo dhowr maalmood oo la isu geeyay ah. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 542 000 qof.

Faafista cudurka ee ugu weyn waxaa laga helay Helsinki, taasoo tirada laga helay aay noqotay 3 114 oo qof. Gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 662 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaadatay 79,2%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 74,8%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 47,3%.

Xigasho: YLE