Finland waxaa laga helay maanta 149 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 18.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 149 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 90 398 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 869 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 56 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 15 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 17 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Vantaa 36
Lahti 12
Tampere 11
Imatra 8
Helsinki 8
Eura 6
Turku 6
Riihimäki 5
Kokkola 5
Hämeenlinna 54
Raisio 4
Pietarsaari 3
Salo 3
Rovaniemi 3
Järvenpää 3
Lapinjärvi 2
Nivala 2
Kannus 2
Haapajärvi 2
Kangasala 2
Ylöjärvi 2
Espoo 2

 Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  27 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 929 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 18 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 133 397 oo qof (18.05).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 164 486 856 52 150 692
Tirada u dhimatay feyruska 3 408 060 1 110 293

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS