Finland waxaa laga helay maanta 512 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah iyo 2 xaaladood oo dhimasho ah

Jimce 26.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 512 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 74 754 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 439 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 65 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 327 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 84 qof, gobolka Etelä-Karjala oo laga helay 20 qof  iyo Pirkanmaaoo laga helay 15 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 162 Lieto 3
Espoo 58 Kaarina 3
Turku 50 Hyvinkää 3
Vantaa 50 Alavus 2
Lappeenranta 18 Järvenpää 2
Kerava 14 Siuntio 2
Tampere 13 Parainen 2
Kuopio 10 Masku 2
Uusikaupunki 9 Naantali 2
Tuusula 9 Paimio 2
Kouvola 7 Vaasa 2
Vihti 6 Lahti 2
Nurmijärvi 5 Imatra 2
Kirkkonummi 4 Hämeenlinna 2
Pielavesi 4 Hamina 2
Karkkila 4 Oulu 2
Salo 4 Lohja 1
Laitila 4 Hammarland 1
Joensuu 4 Hankasalmi 1
Kotka 4 Laukaa 1
Mikkeli 4 Rovaniemi 1
Sipoo 3 Kustavi 1
Savonlinna 3 Juva 1
Porvoo 3 Rauma 1

Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 313 qof. Waxaana tiradii shalay ku soo korotay 26 qof oo hor leh. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  59 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 817 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona. Waxaan toddobadii maalmood ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 12 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 809 974 oo qof (26.03)

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

42 247 797

 

126 205 938

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

934 598

 

 

2 769 615

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,774,033    67 046    1 165  559 744
2 Baraaziil 12,324,765    97 586    2 639  303 726
3 Hindiya 11, 846,082    59 069       257  160 983
4 Ruushka   4,492,692      9 221       393    96 612
5 Faransiiska   4,424,087     45 641       225    93 378
6 Ingiriiska   4,319,128       6 220         63  126 445
7 Talyaaniga   3,464,543     23 696        460  106799
8 Isbeyn   3,247,738       6 393        356    74 420
9 Turkey   3,120,013    28 731        157    30 619
10 Jarmalka   2,732,130    22 258        205    76 116
11 Kolombiya   2,359,942     6 732        125    62 519
12 Arjantiin   2,278,115     8 238        146    55 092
13 Meksiko   2,208,755      5 714        579  199 627
14 Poland   2,154,823    34 153        522    50 862
15 Iiraan   1,830,823      7 506          97    62 142
16 Ukraine   1,596,597    16 669        362    31 135
17 Koonfur-Afrika   1,541,563      1 554         163    52 535
18 Peru   1,500,465      7 946         175    50 831
19 Czechia   1,495,454      8 841         163    25 552
20 Indonesia   1,482,559      6 107           98    40 081
21 Netherlands   1,228,647      7 702           26    16 397

Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS