Finland waxaa laga helay maanta 354 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 07.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 354 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 47 616 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 223 qof, gobolkaVarsinais-Suomi   oo laga helay 23 qof, iyo gobolka Keksi-Suomi  oo laga helay 22 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 105 qof, Vantaa: 53 qof , Espoo: 33 qof, Jyväskylä: 20 qof, Turku: 17 qof, Vaasa: 8 qof, Oulu: 8 qof, Savonlinna iyo Järvenpää: min 7 qof, Ylivieskä iyo Tampere: min 6 qof, Kerava: 5 qof, Lahti iyo Hämeenlinna: min 4 qof,  waxaa sidoo kale min saddex qof laga helay magaalootinka kala ah: Vihti, Raisio, Porvoo, Kuopio, Kouvola, iyo Karkkila . Waxaa min laba qof lga helay magaalooyinka kala ah: Sotkamo, Sipoo, Riihimäki, Pori, Nurmijärvi, Mustasaari, Lappeenranta, Korsnäs, Kontiolahti iyo Hyvinkää. Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 124 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 692 qof.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 170 335 qof (6.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     34 465 235    106 424 184
             771 370         2 322 029

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,519,636  105 983   2 730  473 528
2 Hindiya 10,827,170    11 948       72  155 028
3 Baraaziil 9, 497,795    48 707      942  231 069
4 Ruushka 3,951,233    16 627      497    76 229
5 Ingiriiska 3,928,835    18 262      828  112 092
6 Faransiiska 3,317,333    20 586      191    78 794
7 Isbeyn 2,971,914              61 386
8 Talyaaniga 2,625,098    13 442      385    91 003
9 Turkey 2,524,786      7 897      108    26 685
10 Jarmalka 2,284,999      8 628      337    61 988
11 Kolombiya 2,151,207      8 547      290    55 693
12 Arjantiin 1,976,689      6 680      125    49 110
13 Meksiko 1,912,871    13 051   1 368  164 290
14 Poland 1,545,527      5 962      283    38 994
15 K/afrika 1,473,700      3 184      278    46 180
16 Iiraan 1,459,370       6 983        76    58 412
17 Ukriane 1,241,479       4 310      129    23 516
18 Peru 1,180,478       7 433      188    42 121
19 Indonesia 1,147,010     12 156      191    31 393
20 Czechia 1,030,175       8 610      101    17 174
21 Netherlands 1,001,826       4 075            61     14 355
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS