Finland waxaa laga helay maanta 73 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 15.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 73 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 923 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 12 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 16
Tampere 12
Vantaa 5
Espoo 4
Kotka 3
Pirkkala 3
Lappeenranta 2
Tuusula 2
Salo 2
Kirkkonummi 2
Rovaniemi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 50 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 964 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 8 393 oo qof, kuwaasoo 6 883 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 367 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 141 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 09.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 848 931 oo qof (16.06). labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 725 928 oo qof.

Xigasho:YLE, HS