Warbixintan kaga bogo sida uu u kala saameeyay Cudurka Korona Feyruska Waddamada Caalamka

Tirada dhimashada feyruska korona ee Mareykanka oo sii kordheysa

Sida ay sheegeen xarumaha kahortagga iyo la dagaallanka cudurrada faafa ee dalka Mareykanka, tirada dhimashada feyruska korona ee Mareykanka ayaa gaartay 177 759 qof, iyadoo afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay oo kaliya ay u dhinteen feyruska korona 1142 qof.

Tirada dadka uu ku dhacay feyruska ee dalka Maraykanka ayaa gaareysa 5 milyan iyo 752 673 qof.

Jordan oo soo caasimadda dalka iyo gobol kale ku soo rogtay Bandoow

Dowladda Jordan ayaa Bandoow ku soo rogtay magaalada caasimadda ee Cammaan iyo gobola Al-Zarqaa laga bilaabo Jimcaha 29.8, si looga hortago faafista feyruska korona. Sidoo kale Ururka Xoreynta reer Falastiin ayaa ka digay in xaalad musiibo weyn ah ay soo waajahayso marinka Qaza, kaddib markii ay soo ifbaxeen xaalado cusub oo faafista feyruska korona ah.

Tan iyo markii uu feyruska korona ka bilowday caalamka ayaa tirada uu ku dhacay waxaa ay kor u dhaafeysaa 23 milyan 950 580 qof, waxaana illaa iyo maanta la ildaran xanuunka feyruska korona tiro lagu qiyaasay 15 milyan 340 900 qof.

Dalka Qatar

Sida ay sheegen gudiga sare ee maareynta musiibooyinka ee dalka Qatar, waxaa ay dawladdu go’aa ku gaartay in laga bilaabo 01.09, dib loo furi doono masaajidda dalkaas, si loogu oogo shanta salaadood ee waajibka ah iyo salaadda jimcaha.

Waxaana gudigu sheegay in arrinkaan uu yahay marxaladdii afaraad ee ugu dambaysay ee qorshihii soo bilowday 15kii bisha Juun, kaasoo ay dawladdu ku doonaysay in si tartiib-tartiib ah loogu qaado xayiraaddii la soo rogay ee looga hortagaayay faafista feyruska korona

Dalka Kenya

Dawladda Kenya ayaa ku sii kordhisay muddo 30 maalmod ah xayiraaddi socodka ee dalka lagu soo rogay, faafista feyruska korona oo ku sii kordheysa magaalada Mombasa iyo magaalooyinka ka basaxan caasimadda dalka ee Nayroobi awgeed.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in xayiraaddii isu socodka ee la kordhiyay ay ka bilaabaneyso Khamiista 27.8.

Waxaa kaloo madaxweynaha Kenya uu sheegay in maqaaxiyaha la xiri doono wixii ka dambeeya 8da fiidnimo inta uu bandowgaasi socdo iyo in goobaha caweyska habeenkii iyo meelaha khamriga lagu iibiyo oo hore loo furay mar labaad la xiri doono.

Sida lagu sheegay tirakoobyo rasmi ah oo dawladdu ay soo saartay, tirada dadka uu ku dhacay feyruska ee dalka Kenya waxaa ay gaareysaa 33 kun iyo 16 qof, iyadoo tirada u dhimatay cudurkana ay gareyso  564 qof, waxaana ka bogsooday tiro gaareysa 19 296 qof.

Dalka Isbeyn

Warar rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha caafimaadka ee Isbeyn ayaa sheegaya in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga diiwaangeliyay dalka Isbeyn 3594 qof oo cusub oo laga helay feyruska korona, halka maalinkii ka horeeyay tirda laga helay ay qiyaastii ku dhaweyd 4000 oo qof.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay xaaladda feyruska korona ee dalkaas Isbeyn cirka isku shareertay kaddib markii laga helay jimcihii la soo dhaafay 8000 oo qof,.

Dalka Jarmalka

Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay sii kordhisay xayiraaddii saarneyd u safridda dalalka ka baxsan qaaradda Yurub, ilaa iyo inta laga gaaraayo 14 bisha sebtember ee sannadkan, xaaladda  feyruska korona ee dalalka caalamka oo sii kordheysa awgeed.

Afhayeen ku hadlaysay magaca dawladda Jarmalka Ulrike Demmer ayaa sheegtay, in golaha wasiirradu ay soo saareen go’aanka lagu xadidaayo u safridda dibadda wixii ka baxsan dalalka Midowga yurub, Ingiriiska iyo wadamada ku bahoobay heshiiska Shengen.

Dalka Tuunisiya

Sida uu sheegay wasiirka caafimaadka kumeelgaarka ah ee dalka Tuunisya Maxamed Alxabiib, in qofkii lagu arko isagoo aan xirneyn afshareerka uu muteysan doono ciqaab xabsiyeed iyo waliba ganaax lacageed.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Tuunus ayuu wasiirku ku sheegay, in ganaaxa lacagta ah uu u dhexeyn doono 100 Diinaar (37 Doollar) illaa iyo 3000 oo Diinaar(110 Doolar).

Dalka Iiraan

Tirada dhimashada uu sababay feyruska korona ee dalka Iiraan ayaa kor u dhaaftay 21 kun oo qof. Sida ay sheegtay afhayeen u hadashay wasaaradda caafimaadka ee Iiraan, tirada dhimashada ee uu sababay feysruska korona ayaa waxaa ku kordhay 119 qof oo hor leh, taasoo tirada guud ka dhigaysa 21 kun iyo 20 qof oo dhimasho ah.

Waxaa ay afhayeenka wasaaradda caafimaadka Iiraan Saadat Laray ay sheegtay in wasaaraddu ay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay oo kaliya diiwaangelisay  2243 xaaladood oo cusub oo feyruska korona ah.

Dalka Faransiiska

Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in tirada rasmiga ah ee dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Faransiiska ay gaareyso 285 902 qof. Sidaana waxaa sheegay jaamacadda Johns Hopkins iyo wakaaladda wararka ee Bloomberg.

Bayaanaadkaas waxaa kaloo lagu sheegay in tirada dhimashada ay gaartay 30 kun iyo 549 qof.

Dalka Ruushka

Dalka Ruushkana waxaa laga diiwaangeliyay 4676 qof oo cusub oo uu ku dhacay feyruska korona, taasoo tirada guud ee dadka uu ku dhacay ka dhigeysa 970 kun iyo 865 qof.

Waxaana mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ay sheegeen in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay feyruska u dhinteen 115 qof, taasoo tirada dhimashada ee guud ka dhigeysa 16 kun iyo 683 qof.

Isha warka Aljazeera.net

W/D: Abdirisak Sugulle