Finland: Jimcihii kaddib, 3 412 qof oo feyruska korona ah iyo 23 xaaladood oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 06.12.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga dalkaan Finland ee THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimcihii la soo dhaafay illaa iyo maanta laga helay feyruska korona 3 412 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 195 000 oo qof.

 Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 277 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 51 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 383 qof, waxaana ay hay’adda THl sheegtay in jimcihii kaddib illaa iyo maanta ay u dhinteen feyruska korona 23 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaalka labadiisa qaybood qaateen qaateen dad lagu qiyaasay 82,62% qof oo da’doodu ka weyn tahay 12 sano jir, Qaybta saddexaad ee tallaalka oo haatan la bilaabay ayaa waxaa qaatay dad lagu qiyaasay ku dhowaad 365 000, taasoo u dhiganta 7,5%.  (17.11.).

Xaaladda korona ee caalamka oo haatan ka soo daraysa, islamarkaana laga cabsi qabo in nooca cusub eefeyruska korona ee  Omricon oo si xawli ah ku socda uu ku faafo dalka, ayaa dowladda Finland waxaa ay haatan qorshaynaysaa in ay qaaddo tallaabooyin hore leh oo lagu sii adkaynaayo xadd idaadaha ku saabsan ka hortagga feyruska. Waxaana ay dowladdu wadaa hirgelinta barnaamijka xaddidaadda cusub ee la magac naxay ” fariin ama bareeg qabashada degdegga ah”.

Xigasho: Yle