Nooca cusub ee feyruska korona ee Hindiya oo soo cagadhigtay dalkaan Finland

Sida ay maanta shir jaraa’id ku sheegtay Otto Helve oo ah dhakhtarad sare oo ka tirsan hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland THL, waxaa dalkaan Finland laga helay oo soo gaaray saddex xaaladood oo ah nooca cusub ee feyruska Hindiga ah.

Saamiga baaritaanka laga helay feyruskan Hindiga ah ayaa la qaaday bishii Maarso ee la soo dhaafay, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo intaa dhaafsiisan oo ka soo baxday wali majirto.

Illaa iyo haatan tirada noocyada cusub ee feyruska korona ee laga helay dalkaan Finland ayaa ah 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Xigasho:Yle