Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 204 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 14.10.2020 laga helay feyruska korona 204 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 12 703 qof. Waxaana illaa iyo haatan ka bogsaday xanuunka 9 100 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista aadka ah ay ka jirto waa magaalooyinka Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 102 qof oo cusub (Helsinki 55, Espoo 19 iyo Vantaa 19  iyo Vaasa oo laga helay 37 qof oo cusub. 38 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka korona.

Sida ay sheegtay hay’adda THL isniintii kaddib waxaa u dhintay feyruska awgiis 4 qof. Taasoo tirada guud ee inta u dhimatay cudurka korona awgiis ee dalkaan Finland ka dhigeysa 350 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa haatan ku jira 40 qof, qaybta xaaladaha aadka u daran waxaa ku jira 8 qof.

Dhammaan goobaha shaqada ee caasimadda iyo hareeraheeda oo loo soo jeediyay in shaqaaluhu ay qaataan afshareerka

Kooxda iskuddiwadda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda ayaa waxaa ay soo jeediyeen in shaqaalaha jooga dhammaanba goobaha shaqada ay xirtaan afshareerka. Sidoo kale waxaa loo soo jeediyay waalidiinta carruurtoodu ay xannaanada joogaan, in ay xidhaan afshareerka marka ay carruurtooda geynayaan xannaanada iyo marka ay ka soo kaxaysanayaanba.

Sidoo kale waxaa la soo jeediyay in wixii ka weyn dad’da 15 sano ay qaataan afshareerka marka la joogo goobaha waxbarashada ee dugisiyada sare, macaahidda iyo jaamacadaha, marka la saaran yahay gaadiidka dadweynaha, dukaammada dhexdooda iyo munaasabadaha kala duwan. Waxaana afshareerku uu aad muhiim u yahay xaaladaha ay tirada dadka goobta jooga aadka u badan tahay, waxaana goobahaas ka mid ah shirarka, siminnaarada, goobaha nasashada iyo kulammada diiniga ah ee masaajidda iyo kaniisadaha.

Kooxda iskudduwadda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda, waxaa kaloo ay soo jeedinayaan in ay haboonaan lahayd in isuimaatinka iyo kulammada kooxaha aanay ka badnaaan 20 qof. Duqa magaalada Helsinki Jaan Vapaavuori, oo shirka jaraa’id ee arrinkaan ku saabsanaa hadal ka soo jeedinayay ayaa yiri:” arrinkaa amar ma ahan waa talo soo jeedin, waxaanan soo jeedinaynaa in ay dadku aad u taxaddaraan marka ay qabanqaabinayaan munaasabadaha gaarka ah.”

Kooxdu waxaa ay sheegtay in arrimaha waxbarashada aan waxba laga beddelaynin oo qaabka hadda lagu wado uu yahay mid shaqaynaaya. Waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la qaato talosoojeedinta arrimaha caafimaadka sida gacmo dhaqista iyo kala fogaanshahaba.

Dadka ku nool Vaasa iyo nawaaxigeeda oo loo soo jeediyay in ay iska ilaaliyaan isuimaatinka kooxaha dadka ee wixii ka badan 10 qof.

Kooxda iskudduwidda arrimaha korona ee gobolka Pohjanmaa ayaa soo jeediyay, in howlaha ay dadku isugu imaanayaan xilliyada ay firaaqaha yihiin aanay tirada dadka isu imaanaaya ka badan 10 qof.  Waxaana arrinkaas macnihiisu yahay in hiwaayadaha, iyo isuimaatinka kaleba aanay 10 qof ka badnaan karin. Waxaana arrinkaan uu socon doonaa illaa iyo 31 bishan oktoobar. Amarkaan waxaa uu khuseeyaa munaasabadaha iyo shirarka guud.

Magaalada Jyväskylä wali waxaa sii kordhaysa tirada dadka laga helaayo feyruska korona, taasoo salka ku heysa u nuglaantii feyruska ee ka dhacday xafladdii diiniga aheyd ee toddobaadkii hore

 Magaalada Jyväskylä waxaa laga helay 15 qof oo cusub oo uu ku dhacay feyruska korona, arrinkaan oo ka dhashay u unuglaantii feyruska korona ee ka dhacday xafalad diini ah oo toddobaadkii hore lagu qabtay magaalada. Maamulka magaalada ayaa sheegay in dadkii cudurka laga helay la go’doomiyay.

Dhakhtarka sare ee magaalada Johanna Tuukkanen ayaa sheegtay, in ay suurtaggal tahay, in wali cudurka laga helo dadka aadka u badan ee la geliyay karantiilka.

Dhakhtaraddu waxaa ay sheegtay in dadweynaha reer Jyväskylä aan loo baahneyn in ay ka welwelaan tirada kor u sii kaceysa ee maalin walba tirakoobyada lagu sheegaayo, waayo waa arrin iska caadi ah bay tiri xaaladahaan oo kale in wali ay sii korodho tirada dadka laga helaayo feyruska.

Madaxa Isbitaalka Jaamacadda oo ka digay xaaladda feyruska korona ee dalalka Yurub qaarkood oo meel aad u sarreysa gaartay

 Madaxa isbitaalka jaamacadda HUS Juha Tuominen ayaa shir jaraai’d oo ay isaga iyo duqa magaalada ku qabteen xarunta magaalada waxaa uu sheegay, in xaaladda soo ifbaxa feyruska korona ee dalalka Yurub qaarkood, ay toban jibbaar ka badan tahay tan Finland, taasoo bixineysa digiininta ah in feyrusku uu aad u faafayo. Dalalka Sweden iyo Denmark laba jibbaar ayay ka badan yihiin dalka Finland, sidoo kale dalka Istooniya ayaa tirada maalinkii laga helaa feyruska ay ka badan tahay tan dalkaan Finland. Waxaana Juha Tuominen uu sheegay in dalalkaas haatan xaaladoodu ay khatar tahay oo feyrsuku uu u wareegay dhanka dadka da’da ah, sidoo kale waxaa uu sheegay in dhimashaduna ay dalalkaas marlabaad kor u sii kacayso.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Dalka Isbeyn

 Dalka Isbeyn ayaa tirada dadka laga helay feyruska korona waxaa ay kor u dhaaftay 900 000 oo qof, iyadoo ay u dhinteen feyruska awgiis in ka badan 33 000 oo qof. Waxaana dowladda dalkaas Isbeyn toddobaadkii la soo dhaafay ay bandow ku soo rogtay qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ee Madrid.  Sidoo kale Qaybta Katalooniya ayaa iyaguna sheegay in ay muddo 15 maalmood ah xiri doonaan baararka iyo maqaaxiyaha.

 Hay’adda WHO oo sheegtay in feyruska korona uu dhibaato ku yahay dagaalkii lagala soo horjeeday cudurka Tiibishada

 Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa warbixin sannadeedkeeda kaga digtay in cuduruka safmarka Korona uu keeni karo dhibaato hor leh oo wiiqeysa dagaalkii lagala soo horjeeday cudurka Tiibishada.

Waxaa hay’addu ay sheegtay in dalalka la ildaran cudurka Tiibiida sida Hindiya iyo Koonfur-Afrika, in awooddoodii la xiriirtay dhanka aqoonsiga cudurka tiibishada iyo daaweyntiisaba, ay u wareejiyeen dhanka la daggaalanka Feyruska korona.

WHO waxaa ay sheegtay in iyadoo cudurka Tiibishadu uu yahay adduunka oo dhan kan u dilista badan cudurrada faafa, ayaa waxaa suurtaggal ah, in sannadkaan uu galaafto qiyaastii in kabadan 200.000-400.000 tiradii dhimashada sannadkii hore. Waxaana sannadkii hore u dhintay cudurka Tiibishada 1,4 milyan oo qof.

Kahor cudurkan safmarka Korona, dalal badan oo dunida ka tirsan ayaa horumar la taaban karo ka sameeyay howlaha looga hortagayo faafista cudurka tiibishada, waxaana natiijada howlahaasi ay noqotay in tusaale ahaan intii u dhexeysay sannadihii 2015-2019 ay tirada soo ifbaxa cudurka tiibishadu hoos ugu dhacday 9 boqolkiiba, tirada dhimashaduna ay hoos ugu dhacday 14 boqolkiiba.

Inkasta oo cudurka tiibishadu uu yahay cudur lagu arko dhammaan caalamka oo dhan, haddana 95 boqolkiiba faafista iyo dhimashada cudurku waxaa ay ka dhacdaa dalalka soo koraya.

Dalka korowaatiya

 Dalka Korowaatiya waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay 748 qof oo uu ku dhacay feyruska korona. Waxaana dowladda dalkaas ay soo saartay go’aanno looga hortagaayo faafista feyruska.

Dhammaanba baararka iyo maqaaxiyaha ayaa la xiray, waxaa khasab laga dhigay qaadashada afshareerka, sidoo kalena waxaa la diiday in wixii ka badan 50 qof aysan meel isugu imaan karin.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee dalka Korowaatiya ayaa gaaraysa 22 000 oo qof, waxaana u dhintay 334 qof.

Sidoo kale waddamada Bulgaariya, Poland iyo Ruushka ayaa aad looga soo deyrinayaa xaaladda faafsita feyruska ee ka jirta dalalkaas.

Ruushka waxa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay 14 231 qof iyo 239 dhimasho ah, taasoo tirada guud ee dadka laga helay feyruska tan iyo intii uu bilowday cudurkan safmarka ah ee korona ka dhigeysa in kabadan 1,3 milyan oo qof, waxaana u dhintay in ka badan 23 000 oo qof.

Poland ayaa iyaduna sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 6 526 qof, waxaana u dhintay 116 qof. Taasoo tirada guud ee dadka laga helay feyruska ee dalka Poland ka dhigeysa 141 000 oo qof, dhimashudana waa 3 217 qof.

Dalka Romaaniya

Dowladda Romaaniya ayaa dalka gelisay xaalad degdeg ah illaa iyo bartamaha bisha november, cudurkan safmarka ah ee feyruska korona awgiis. Waxaana dalkaas Roomaaniya maalin walba laga helaa tiro ka badan 3000 oo qof oo qaba feyruska korona.

Dowladdu waxaa ay joojisay dhammaanba munaasabadaha gaarka ah sida, kuwa diimaha, iyo aroosyada ee lagu qabanaayo gudaha iyo bannaankaba. Waxaa intaas dheer oo khasab ay ka dhigtay isticmaalka afshareerka.

Roomaaniya ayaa tirada dadka laga helay feyruska waxaa ay kor u dhaafeysaa 160 000 oo qof. Waxaa ka bogsaday cudurka 120 000, iyadoo tirada dhimashaduna ay tahay 5 335 qof.

Dalka Talyaaniga

Waasaradda caafimaadka ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in maanta dalkaas laga helay tiro gaaraysa 7 332 qof oo hor leh oo qaba feyruska korona, halka Isniintii la soo dhaafay ay tirada dadka feyruska kororna laga helay ka aheyd  5 901.

Tirada dhimshada maalinlaha aha ayaa ka soo yaraaneysa intii ay ahayd mowjaddii koowaad ee cudurka safmarka ah ee feyruska korona ee gu’gii la soo dhaafay, waxaana tusaale ahaan maanta u dhintay feyruska awgiis 43 qof, halka ay gu’gii la soo dhaafay tirada dhimashadu maalin walba ka ahayd ugu badnaan 900 oo qof.

Dalka Ingiriiska

Waxaa maanta dalka Ingiriiska laga helay feyruska korona tiro gaareysa 19 724 qof, taasoo 2 490 qof ka badan intii shalay laga helay feyruska. Waxaa intaa dheer oo lagu soo warramayaa in tirada dhimashadu ay maanta ahayed 137qof.

Waxaa dhammaan dalkaas ka jira xayiraado cusub oo dowladdu ay ku soo rogtay si looga hortago faafista feyruska, iyadoo dalka loo qeybiyay saddex qaybood oo kala ah qayb xaaladdeedu dhexdhexaad, mid sarreysa iyo mid khatarteedu ay aad u sarreyso.

Magaalada Liverpool ayaa ah goobaha xaaladda khatarta ah ee aadka u sarreysa ay ka jirto, waxaana lagu soo rogay xayiraado adag oo ku saabsan dhanka kulammada iyo dhaqdhaqaaqyada nolosha.

Xigasho:YLE,HS