Finland waxaa laga helay maanta 645 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 27.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 645 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 57 052 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 045 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 84 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 384 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 73 qof, Gobolka Pohjoias-Pohjanmaa oo 26 qof ah iyo gobolka Vaasa oo 24 qof ah.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 195 Raasepori 3
Vantaa 87 Ulvila 3
Espoo 53 Kempele 3
Turku 40 Hollola 3
Oulu 21 Pietarsaari 3
Vaasa 15 Hyvinkää 3
Rauma 13 Eurajoki 2
Lahti 11 Kuopio 2
Tampere 11 Hämeenlinna 2
Lappeenranta 10 Kokkola 2
Riihimäki 10 Imatra 2
Jyväskylä 10 Tuusula 2
Nurmijärvi 8 Vihti 2
Mikkeli 7 Eura 2
Järvenpää 7 Laukkaa 2
Kirkkonummi 6 Paimio 2
Raiso 6 Pukkila 2
Jomala 6 Rusko 1
Kerava 5 Ylöjärvi 1
Kemiönsaari 5 Pyhäjöki 1
Maarianhamina 5 Punkalaidun 1
Lohja 5 Mynämäki 1
Kouvola 5 Akaa 1
Rovaniemi 4 Mustasaari 1
Kaarina 4 Laihia 1
Loimaa 3 Somero 1
Karkkila 3 Maalahti 1
Närpiö 3 Salo 1
Sipoo 3 Hartola 1
Kotka 3 Finström  1
Pello 1 Kolari 1
Suintio 1 Loppi 1
Keuruu 1 Pyhtää 1
Asikkala 1 Taipalsaari 1
Muhos 1 Huittinen 1
Heinola 1 Uusikaupunki 1
Jokioinen 1 Nousisinen 1
Seinäjöki 1 Ylitornio 1
Janakkala 1 Kauniainen 1
Iisalmi 1 Kontiolahti 1
Hamina 1 Laittila 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 210 qof, tiradaasoo 7 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  38 qof, waxaana Khamiistii kaddib ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 742 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 232 qof, kuwaasoo 1 167 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 64-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 361 744 qof (27.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 312 099     114 086 410
               847 601          2 531,280

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,136,912    80 625    2 246  523 082
2 Hindiya 11,079,094    16 056       109  156 970
3 Baraaziil 10,457,794    63 908    1 327  252 988
4 Ruushka   4,223,186    11 086       428    85 304
5 Ingiriiska   4,163,085      8 523       345  122 415
6 Faransiiska   3,712,020   25 207       379    86 147
7 Isbeyn   3,188,553      8 341       329    69 142
8 Talyaaniga   2,888,923    20 499       253    97 227
9 Turkey   2,683,971      9 205         74    28 432
10 Jarmalka   2,436,506      9 687        418    70 421
11 Kolombiya   2,244,792      3 567        122    59 518
12 Arjantiin   2,098,728      5 083          92    51 887
13 Meksiko   2,069,370      8 462        877  183 692
14 Poland   1,684,785    11 536        259    43 353
15 Iiraan   1,65,184      8 103          69    59 899
16 Konfur-Afrika   1,510,778      1 654        117    49 784
17 Ukriane   1,333,844      8 003        146    25 742
18 Indonesia   1,322,866      8 232        268    35 786
19 Peru   1,316,363      7 641        191    46 094
20 Czechia   1,212,919    14 572        163    20 101
21 Netherlands   1,079,919      5 113        163    15 503

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS