Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo khadka telefoonka kula hadalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Matti Vanhanen

Matti Vanhanen iyo Shiikh aadan madoobe- Xuquuqda sawirka Golaha Shacaba Soomaaliya

War rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) islamarkaasna lagu daabacay barta Facebook ee Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliya (SONNA) ayaa u qornaa sidan:

”Muqdisho Oktoober 07,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen.

“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha”

Guddoomiye Sheekh Aadan oo la hadlay dhigiisa Finland ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Finland oo soo jireen ahaa ayaa hadda galay weji cusub, kaddib markii bishii Luulyo ee sannadkan 2022 uu wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto u magacaabay Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta u qaabilsan Geeska Afrika.

Kuva/Facebook/Suldaan Said Ahmed @ Baarlamaanka Finland

Garyaqaan Faraqadhuub H. Omar oo ka mid ah dadka sida dhow ula socda siyaasadda Geeska Afrika islamarkaasna ka faallooda xiriirada caalamiga ah ayaa sheegay, in MP Suldaan Said Ahmed uu door shariif ah ka qaatay kana qaadanayo xiriirinta labada dal iyo isu soo dhoweynta Hoggaanka labada dal.

Garyaqaanka Farqadhuub oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in maadaama uu MP Suldaan Said Ahmed yahay siyaasi caabboon oo da’yar islamarkaasna aqoon u leh labada dal ee Soomaaliya iyo Finland, waxaa u sahlan in uu si hufan u xiriiriyo labada dal.

Finland ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyada horumarinta bulshada, maamul wanaagga, daryeelka caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka iwm.

Waxaa kale oo xusid mudan in Khubaro ciidan oo Finland ka socda ay tababaraan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira argagixisada Al-Shabaab.

MP Suldaan Said Ahmed iyo khuburada ciidan ee Finland ee ka socda ee tababara ciidanka xoogga dalka Soomaaliya @Mogadishu

Isha warka: SONNA