Ablikeeshinka koronavillku oo la geliyay faafistii ugu horreysay ee feyruska korona

Waxaa dhici karta in ablikeshinka koronavilkku uu waqti dhow baaq digniin ah kuu sameeyo ama ay kuugu soo dhacdo farriinta ka digeysa u nuglaanta feyrsuka korona, waayo waxaa la geliyay furayaasha koodadka ugu horeeyay ee dadka laga helay feyruska korona.

Furayaasha koodka waxaa bixinaya hawlwadeennada caafimaadka, marka qofka laga helo feyruska korona. Intaa kadib waxaa furayaasha koodka la gelinayaa ablikeeshinka koronavilkku.

Waxaana arrinkaa macnihiisu yahay in qofka isticmaalaya ablikeeshinka koronavilkku ee agjoogay dadka laga helay feyruska ay dhowaan heli doonaan digniinta ah surrtagalnimada in ay u nuglaadeen feyruska korona.

Khamiista 3.9 ayaa ablikeeshinka koronavilkku waxaa la geliyay lixidii furayaasha koodadka ee ugu horreeyay.

Waxaana illaa iyo Khamiista 3.9 la soo degsaday 1,5 milyan oo goor oo ablikeeshinka ah.

Isha warka / MTV 3