Mowjaddii labaad ee Korona oo la sheegayo in ay Finland ku dhufatay

Helsinki 6.8.2020- Maareeyaha Hus Juha Tuominen oo marti ku ahaa barnaamijka A-Studio ayaa sheegay in mowjaddii labaad ee la saadaalinayay ee Korona ay billaabatay wixii ka dambeeyay todobaadki koowaad ee bishii todobaad ee Luulyo.

Maareeyaha ayaa sheegay in wixii wakhtigaas ka horreeyay ay si siman hoos ugu dhaceeyeen tirada dadka cudurka qaadaya, laakiin wixii markaas ka dambeysay ay si siman sare ugu kaceen tirada dadka qaadaya cudurkan.

Maareeyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in sababta uu cudurku u kordhay ay tahay dhaqdhaqaaqa dadka oo kordhay.

Juha Tuominen ayaa yiri ”Anigu waxaan shakhsiyan ka jaanqaadayaa, in mowjaddii labaad ee Korona ay halkan ka billaabatay. Waxay billaabatay todobaakii 1aad ee bisha Luulyo wixii ka dambeeyay”.

Tuominen oo hadakiisa sii wata ayaa sheegay in qaadista cudurku ay kordhi doonto haddii qaabka ay hadda wax u socdaan ay u sii socdaan. – Saadaashaydu waa in haddii aan sidan wax ku sii wadno aan bil gudaheed gacanteena ku haysanno dhibaato, sidaas waxaa yiri maareeyaha Hus, Tuominen.

Wasiirka qoyska iyo adeegyada aasaasiga ah ee Finland Krista Kiuru oo iyadana A-studio lagu wareystay ayaa sheegtay in xukuumaddu ay diyaarinayso waxqabadyo cusub oo arrinta Korona la xiriirta.

Waxaa kale oo ay wasiiradda ka hadashay suurragalnimada in la soo jeediyo isticmaalka af-shareerka. Cidda bixinaysa kharashka ku baxaya af-shareerka ayaan weli caddayn sida ay wasiiraddu sheegtay.

Inta badan dalka Finland waxaa todobaadka soo socda ka billaabanaya sannad-dugsiyeedka deyrta, waxaana horay loo shaaciyay in haddii xaaladda Korona ay xumaato xilliyada soo socda dugsiyada la xiri doono waxbarashada qaab aqoon-dirsad ah lagu qaadan doono.

Xuquuqda sawirka: Kauppalehti

isha warka: Iltalehti