Duqa magaalada Helsinki oo sheegay in xadaymihii lagu soo rogay caasimada iyo hareeraheeda la sii adkayn doono

Talaada 24.11.2020.  Duqa magaalada Helsinki Jan Vapaavuori ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay arrimaha la xiriira xadeymaha cusub ee lagu soo rogaayo Magaalada Caasimadda Helsinki iyo hareeraheeda. Go’aanka arrinkaas ku saabsan hadda ayaa la diyaarinayaa. Toddobaadkan dabayaaqadiisa ayaa si cad loo qeexi doonaa meelaha sida gaarka ah xayiraaddu u taabanayso iyo waqtigaba.

Goobaha guud ee magaalooyinka sida maktabadaha, hoolalka dabaasha, kuwa isbooritga ayaa gabi ahaanba la doonayaa in la xiro. Diidmadan waxaa ay khuseysaa dhammaanba gobaha guud ee la isugu yimaado, marka laga soo reebo goobaha adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in la xiro goobaha gaarka ah.

Munaasabadaha guud ayaa gabi ahaanba la joojiyay in la qabanqaabiyo, halkii haatan laga oggolaa in tiro yar la isugu yimaado.

Dugisyada sare iyo machadyada xirfadaha waxaa waxbarashadoodii gabi ahaanba loo wareejiyay dhanka internetka. Dugsiyada hoose iyo xannaanooyinku sidoodii caadiga ahayd ayay u soconayaan.

Arrinkaan waxaa khamiista si rasmi ah u go’aamin doona kooxda iskuduwidda arrimaha korona, taasoo ay ka qayb yihiin wakiilllo ka kala socda magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa, Waaxda maamul goboleedka iyo HUS. Diidmadaan cusub ee la soo saaray waxaa ay sidoo kale khuseysaa magaalooyinka Espoo iyo Vantaa.

Duqa magaalada Helsinki ayaa si kulul uga falceliyay su’aal la weydiiyay oo ay ahayd, in Gobolka Uusimaa uu ka gaabiyay tillaabooyinkii loo baahnaa ee looga hortagi lahaa feyruska korona. Waxaa uu duqa magaalada ku jawaabay:”Ma oggolaanayo eeddeynta iyo dhaliisha noocaas ah, ee ah in aan tallaabooyinkaan la daahnay.

Si aan isbadbaddal lahayn ayaan u raacaynay hagista ay soo saarayeen golaha wasiirrada, toddobaad walba waxaa howlahaan kala hadlaynay khubarada ugu wanaagsan ee arrinkaan ku takhasustay, waxaanan sidoo kale arrinkaan isku aragti ka ahayn xeeldheerayaasha hay’adda nololwanaagga iyo caafimaadka ee THL.

Tusaale ahaan ra’iisul wasaaraha dalka Sanna Marin iyo wasiiradda arrimaha qoyska iyo adeegyada asaasiga ah Krista Kiuru, waxaa ay labudaba hore u sheegeen, in ay habooneyd in mar hore xadaymaha la sii adkeeyo.

Sida uu Vapaavuori sheegay go’aamo ka adag kuwii jirey hore looma gaarin, waayo buu yiri ma aanay jirin xaalad keeneysa i arrinkaas la qaato, mana ahayn mid waafaqsan mabaa’diida golaha wasiirrada ee ku aaddanaa xaaladda cudurkan safmarka ah.

”Waana in la xusuutaa saamaeynta aan wanaagsaneyn ee ay go’aamadan xadaynta ah yeelan karaan, ayuu yiri Vapaavuori, isagoo tilmaamay saameynta arrimo bulsho iyo midda dhaqaale ee ka dhalan kara arrimahaas.

Markii la weydiiyay Vapaavuori talada la xiriirta sidii bilowga sannadka nabad iyo caafimaad loogu gaari lahaa, waxaa duqa magaaladu uu bixiyay jawaab cad:

  • Joojiya wada xiriirka iyo isdhexgalka bulshada

Saacad kaddib shirkaas jaraa’id ayay ra’iisulwasaaraha dalka Sanna Marin barteeda tiwiiterka mahadcelin u soo dhigtay Vapaavuori, madaxa isbitaalka Jamaacadda Juha Tuominen iyo madaxda magaaloyinka Espoo iyo Vantaa, iyadoo uga mahadcelisay xadaymahan cusub ee looga hortagaayo faafista feyruska korona, waxaana ay sheegtay in haatan xadeymuhu ay yihiin kuwo xaaladda ku filan.

Waxaana Marin ay sheegtay in haatan ay tahay waqtigii ugu dambeeyay ee si dhakhso ah wax looga qaban karo xaaladda feyruska korona ee ka sii daraysa ee caasimadda iyo hareeraheeda.

Xigasho: Yle,HS