Wararka caalmka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 149 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Talaada 22.9.2020 laga helay feyruska korona 149 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 9 195 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay shalay in laba qof oo cusub ay u dhinteen xaalad la xiriirta feyruska korona. Tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan waa 341 qof.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa la soo weriyay 502 xaaladood oo faafista feyruska oo ka badan tiradii labadii toddobaad ee ka sii horreysay.

Meelaha ugu badan ee maanta faafista fyeruska laga soo sheegay waxaa ay kala yihiin, Jyväskylä 29 qof, Lähti 16 qof, Vantaa 14 qof, Tampere 13 qof, Helsinki 13 qof iyo Espoo 9 qof.

Xaafadda Tahko ee ku taalla Kuopio illaa 70 arday ayaa u nuglaaday feyruska korona

 Wararka ka imaanaaya magaalada kuopio ayaa sheegaya, in xaafadda Tahko ee ka mid ah magaaladaas ay ugu yaraan 70 arday u u nuglaadeen feyruska korona, kaddib xaflad ay dhalinyaradaas ku qaateen cariish xagaayeed (MÖKKI) ku yaalla halkaas wiikendhigii la soo dhaafay. Waxaana illaa iyo haatan feyruska qaaday laba qof.

Dadka feyruska u nuglaaday waxaa ay kala joogeen laba cariish xagaayeed, midkood ay ku jireen 50 qof, halka kan kalena ay ku jireen 20 qof. Waxaana dhici karta in dadka feyruska u nuglaaday ay tiradoodu intaas ka badato, waayo qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa habeennimadii u sii gudbay maqaaxiyaha si ay halkaas waqtigooda ugu qaataan.

Musaafiriinta ka imaanaaya Istooniya iyo Sweden oo isniinta soo socta laga bilaabo la gelin doono karantiil

U safridda dalka Istooniya ayaa laga bilaabo isniinta soo socota waxaa lagu dabaqi doonaa nidaamka karantiilka. Sababta arrinkaan keentay ayaa ah in xaaladda faafista feyruska korona ee istooniya ay kor u dhaaftay xadkii ay Finland arrinkaas ka dejisay ee ahaa in uusan dhaafin 25 (boqolkii kun ee qof ee kastaa). Waxaana shalay tirada faafista ee Istooniya ay ahayd 30,9 (boqolkii kun ee qof ee kastaa).

Xoghayaha rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Kirsi Pimiä ayaa sheegtay in qofkii safar u aada Istooniya uu geli doono laba toddobaad oo karantiil ah.

Wadahadalka arrinka ku saabsan xaaladda Istooniya waxaa uu bilowday shalay, kaddib markii uu wasiirka arrimaha dibadda ee Istooniya uu hore u sii sheegay in Finland ay adkayn doonto xadaynta la xiriirta dhanka safarka.

Xoghayaha rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Kirsi Pimiä waxaa ay kaloo ay xaqiijisay, in soo jeedinta karantiilka lagu soo rogi doono dhammaan dalaka uu faafista feyrusku kor u dhaafay xadkii la dejiyay ee ahaa 25 qof (boqolkii kun ee qof ee kasta).  Sidoo kale Isniinta so socota waxaa soo jeedinta karantiilka la gelin doonaa musaafiriinta ka yimaada dalalka Sweden iyo Norwey.

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah dalalka xaaladda faafista feyruska korona ay ka sii dareyso

Indoniisiya

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay feyruska 160 qof, waxaana tirada guud ee illaa iyo imminka u dhimatay feyrsuka ee dalkaas ay noqoneysaa 9837 oo qof.

Ruushka

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 6215 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa hal miyan 115 000 oo qof. Waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay feyruska 160 qof, waxaana tirada guud ee illaa iyo imminka u dhimatay feyrsuka ee dalkaas ay noqoneysaa 649 kun iyo 19 qof.

Hindiya

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 75 kun iyo 83 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa 5,6 milyan oo qof. Waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay feyruska 1053 qof.

Jarmalka

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 1821 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa 274 158 qof.

Shiinaha

Golaha qaran ee qaabilsan caafimaadka ayaa sheegay in Talaada 22.9 laga helay Shiinaha 6 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyadoo maalinkii ka horreysana laga helay 12 qof, waxaana ay sheegeen in dhammaan dadka laga helay feyruska ay yihiin kuwo ka yimid dalka dibaddiisa.

Xigasho: YLE iyo AlJAZEERA