Finland waxaa tallaalka qaatay ku dhowaad 145 000 oo qof

Sabti 30.01.2021. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee dalkaan Finland THL, waxaa tallaalka looga hortagaayo faafista feyruska korona qaatay dad tiradooda lagu  qiyaasay 145,000 oo qof.

Tiradii shalay waxaa ku korortay 6 969 qof.  Qaybta labaad ee tallaalka waxaa qaatay 17,757 qof, halka shalay tiradaas ka ahayd 14 239. Tirada guud ee tallaalka heshay marka la isku daro waa 162 277.

Xarunta horumarinta iyo ammaanka daawada ee Fimea waxaa illaa iyo haatan soo gaaray  184 wargelin oo ku saabsan saamaynta tallaalka feyruska korona. Wargelintaas kuwo ugu daran waxaa tiradoodu tahay 54, inta soo hartay oo gaaraysa 130 waa wargelin iska caadi ah.

Illaa iyo talaadadii waxaa xarunta Fimea ay falanqayn ku samaysay 3 xaaladood oo la xiriira saamaynta xun ee uu tallaalka feyruska korona ku yeeshay dadkii qaatay, kuwaas oo dhintay markii la tallaalay kaddib. Sida ay hay’addu sheegtay waxaa la tuhunsan yahay in saddexdaas qof ee dhintay ay sababsadeen xanuunnadii hore u hayay, kahor inta aan la tallaalin.

Sida xarunta Fimea ay ku sheegtay boggeeda internetka, illaa iyo haatan lama hayo wax dhimasho ah oo uu tallaalku sababay, sidoo kalena talosoojeedintii qaadashada tallaalka wax isbeddal ah laguma samayn, oo sideedii ayay u sii soconaysaa.

Xigasho Yle.