Finland waxaa laga helay maanta 162 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 09.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 162 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 723 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 919 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 42 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 90 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 24 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo  laga helay 14 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 37
Espoo 23
Turku 17
Lahti 13
Vantaa 9
Tampere 6
Nurmijärvi 5
Hämeenlinna 5
Oulu 5
Raisio 3
Kerava 3
Kotka 3
Inkoo 2
Hyvinkää 2
Pornainen 2
Jyväskylä 2
Kokkola 2
Nousiainen 2
Mäntsälä 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 133 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 922 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 946 oo qof, kuwaasoo 4 924 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 020 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 903 818 oo qof (08.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 158 760 541 51 3267 092
Tirada u dhimatay feyruska 3 302 466 1 090 292

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 666 129 43 494 235
Tirada u dhimatay feyruska  124 495 563 951

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 22,295,911   409 300    4 133  242 398
Baraaziil 15,150,628     63 268    2 091  421 484
Faransiiska  5,767,959     20 745       176  106 277

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,007,792    5 712     14 137
63 Denmark 256,482    1 012     1    2 493
88 Norwey 115,411    506           767
159 Iceland  6 500    3              29
42 Saudi-Arabia  423,406    1 090     14     7 032
133 Soomaaliya  14 368    247     24       745

 

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS