Wararka caalmka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 64 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 19.9.2020 laga helay feyruska korona 64 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 814 qof.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa dalka laga helay 661 xaaladood oo cusub oo feyruska korona, waxaana labadii toddobaad ee ka horeeyay ay tiradaasu ka badan tahay 306 qof.

Gobolka Päijät-Hämeenä oo tobannaan qof ay u nuglaadeen feyruska korona

 Gobolka Päijät-Hämeenä ayaa laga helay tobannaan qof oo u nuglaaday feyruska korona, waxaana haatan ay hawlwadeennada caafimaadku wadaan raadraaca dadka ay suurtaggalka tahay in ay qaadeen feyruska.

Qof shaqaale ah oo ka tirsan dukaanka Karisma Halonen ayaa laga helay feyruska korona, waxaana uu ahaa qof aan lahayn wax astaamaha feyruska ah, laakiin ay suurtaggal ahayd in uu faafinaayo feyruska. Qofkaas shaqaalaha wuxuu shaqada joogay Isniintii 14.9 saacadda 12-20, Talaadadii 15.9 saacadda 12-20 iyo Arbaca 16.9 saacadda 10-12. Dadkii xilliyadaas ka adeeganaayay dukaanka Halonen waxaa laga codsanayaa in ay la soo xiriiraan hawlwadeennada caafimaadka.

U safridda waddamada badan oo dib u furmay, laakiin farxadda arrinkaas waxaa laga yaabaa in ay waqti gaaban socoto

 Dad badan oo finnish ah ayaa maanta aad u farxay kaddib markii Sabti 18.9 dib loo furay xuduudaha dalal badan oo Yurub ka mid ah. Waxaana dalkan Finland uu joojiyay xayiraaddii safarka xuduudaha ee u dhexeeysay Finland iyo dalalka ku bahoobay heshiiska Shengen ee waddamada midowga yurub, kuwaasoo soo ifibixsta faafista feyruska korona ay tahay 25 qof boqolkii kun ee qof ee kastaa, mudadii 14 cisho ah ee ugu dambeysay.

Laakiin Haddii xaaladda faafista feyruska ee dalalka qaar ay ka soo darto ama sii xumaato, waxaa khasab noqoneysa in xadka mar labaad la xiro. Dowladda Finland toddobaadka soo socta ayay kulan ka yeelan doonaan xaaladda faafista cudurka ee dalkan ku wajahan. Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudahana waxaa dhici karta in arrinka dib u furista xuduudaha uu isbeddel ku yimaado, oo xuduudaha qaarkood dib loo xiro, haddii xaaladda faafista cudurka ee dalalkaas ay ka soo darto.

Dalka Denmark oo tiradii ugu badneyd ee feyruska korona laga helay

Dalka Denmark waxaa laga diiwaan geliyay xaalado cusub oo faafista feyruska korona ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd tan iyo markii xanuunka safmarka ah uu ka bilowday dalkaas. Sabtida 19.9 waxaa ay hawlwadeennada caafimaadku sheegeen in tirada dadka qaba feyruska ee cusub ee la helay ay gaareyso 589 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa ku jira 62 qof. Afar dadkaas ka mid ah waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Waxaana ay dowladdu soo saartay xayiraado cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska oo ay ka mid yihiin, in maqaaxiyaha la xiro saacadda 22.00. Waxaa sidoo kale la xadiday tirada dadka halkii mar meel isugu imaan kara, taasoo laga dhigay 50 qof. Waxaana sidoo kale dadka laga codsaday in ay joojiyaan dhammaanba xafladaha dhanka bulshada ah sida dhalashada iyo kuwa la midka ah. Xayaridahaas cusub waxaa ay socon doonaan illaa iyo 4.10.

Iiraan

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Iiraan tirada dadka cusub ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska waxaa ay gaareysaa 2 845 oo qof. Tan iyo intii xanuunka safmarka ah uu ka bilowday dalkaasna, waxaa tirada guud ee dadka laga helay feyruska ay gaareysaa 419 043 qof. Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhafay u dhintay feyruska korona 166 qof, taasoo dhimashada tirada guud ka dhigeysa 24 118 qof. Dalka iiraan waxaa tirada dadka ku nool lagu qiyaasaa 81 milyan oo qof.

Marokko

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 2552 qof, taasoo tirada guud ka dhigaysa 99 816 qof.  Tirada dhimashada ee cusub ayaa ah 40 qof, waxaana tirada guud ee dhimashada ay gaareysaa 1795 qof.

Liibiya

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 796 qof, taasoo tirada guud ka dhigaysa 27 234 qof.  Tirada dhimashada ee cusub ayaa ah 8 qof, waxaana tirada guud ee dhimashada ay gaareysaa 436 qof.

Faransiiska

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 13 498 qof, taasoo tirada guud ka dhigaysa 442 194 qof.  Tirada dhimashada ee cusub ayaa ah 26 qof, waxaana tirada guud ee dhimashada ay gaareysaa 31 274 qof.

Turkiga

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 1538 qof, taasoo tirada guud ka dhigaysa 301 348 qof.  Tirada dhimashada ee cusub ayaa ah 68 qof, waxaana tirada guud ee dhimashada ay gaareysaa 7445 qof.