Wasiirka arrimaha qoysaska iyo adeegyada aasaasiga ah ee Finland Krista Kiuru:- Dadka Shiinaha ka imaanaya waa in ay wataan warqad caddaynaysa in aanay Korona qabin

Kuva- SSMV

Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in cudurka safmarka ah ee Korona uu markale ka dillaacay dhul-weynaha Shiinaha ayeey dalal badan oo Midowga Yurub ka tirsan ku soo rogeen musaafuriinta Shiinaha ka imaanaysa in ay wataan marka ay dalalkaas soo gelayaan caddaynta in aanay qabin cudurka Koronaha.

Midowga Yurub ayaa dhanka kale talo ahaan u soo jeediyay dalalka xubnaha ka ah, in ay musaafuriinta Shiinaha ka imaanaysa ku soo rogaan in ay soo maraan safarka kahor baaritaanka Koronaha.

Finland oo kolkii hore aan taladaas qaadan ayaa hadda soo saartay wareegto ku aaddan dadka musaafurka ah ee ka imaanaya Shiinaha. Wareegtadaas ayaa dhigaysa in musaafurka Shiinaha ka imaanaya uu baaritaanka Koronaha soo maro 48 saacadood kahor inta aanu safarka soo gelin.

Isha Warka: YLE