Xaaladda xuduudda ee Finland iyo Ruushka oo sii cakirantay iyo Ruushka oo ku goodiyay in uu jawaab ka bixinayo haddii ay Finland gebi ahaanba xirto xuduudda

esteaitahankkeen-pilotin-tyomaa-pelkolassa-16.6.2023-kuva-3/Rajavartiolaitos

Kaddib markii ay Finland xirtay 18:kii bishan Nofembar afarta goobood ee xuduudda lagaga soo tallaabo ee dhaca galbeedka shishe ee xuduudda Bari, ayeey Ruushku muujiyeen sida ay arrinkaas uga xun yihiin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka Marija Zaharova oo warbaahinta la hadashay ayaa Finland ku eedeysay xaaladda miliqsan ee ka taagan xuduudda bariga ee qaybisa Finland iyo Ruushka, halkaas oo ay maalmihii la soo dhaafay ku soo qulqulayeen muhaajiriin magangelyo-doon ah oo dhinaca Ruushka ka imaanaya.

Ruushka ayaa Finland ku eedeeyay, in Finland ay si khaldan ugu qiil-dayayso xiritaanka xadka ay la wadaagto Ruushka iyo in ay hurinayso cadaawad iyo nacayb ka dhan ah Ruushka.

Hadalka Ruushka ka soo baxay ayaa ka dambeeyay markii ay Finland xirtay afar goobood oo xuduudda lagaga soo tallaabo oo dhaca Bariga Finland.

Sababta xiritaanka goobahan xadka ku yaal ayeey dowladda Finland ku sheegtay, in ay jawaab u tahay dadka magangelyo-doonka ee Finland soo gelaya oo Ruushka ka helaya caawimaad iyo farsamo ay ku soo gaaraan xuduudda Finland.

Ruushka ayaa ka baxay heshiiska xuduudda ee Finland kala dhexeeyay bishii Oktoobar ee sannadkan 2023. Tallaabadan Ruushka ayaa markaas lagu macneeyay in ay qayb ka tahay iskuday uu Ruushku iskudayayo in uu Finland oo haatan xubin buuxda ka ah Nato Yukreyna gacan weyn siisa mashquuliyo isagoo tusaale ahaan ku soo jiheynaya Finland muhaajiriinta joogta Ruushka.

SSMV