Tirada dadka laga helay feyruska korona dalkan Finland oo hadda kor u dhaaftay 8000

Novel Coronvirus Update. Photo: WHO

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa laga helay feyruska korona 21 qof, sidaasna waxaa sheegtay hay’adda THL. Tirada guud ee dadka haatan laga helay feyruska korona ee dalkaan Finland ayaa ah 8002 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in maalinkii Isniinta kaddib aan lagu soo warramin cid u dhimatay feyruska korona.  Tirada guud ee dhimashada ayaa gaareysa 335. Waxaa daryeelka isbitaalka ku jira 5 bukaan, iyadoo mid kamid ah uu ku jiro qaybta xaaladda aadka u adag  ee degdegga ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtaa xaaladaha dhimashada ee la xirira feyruska korona maalmaha Isniinta, Arbacada iyo Jimcaha oo kaliya.

Magaalada Espoo oo iskuullo ku yaalla laga helay khatarta feyruska korona iyo ardey karantiil la geliyay

Sida lagu sheegay war ay soo saartay magaalada Espoo, qiyaastii 160 qof oo ardey iyo shaqaale isugu jira ayaa karantiil la geliyay, kaddib markii ay u dayacmeen khatarta faafista feyruska korona. Illaa 100 qof oo ka tirsan dugsiga sare ee Etelä-Tapoila ayaa u dayacmay feyruska korona iyo sidoo kale 60 ka mid ah iskuulka Mainingin Koulu ee ku yaalla xaafadda Kivenlähti. Sida magaalada Espoo ay sheegtay xaaladahaas ma han kuwo wax xiriir ah leh.

Dadkii uu ku dhacay feyruska korona waxaa la geliyay go’doon. Sida ay magaaladu sheegtay feyrsuka korona ee faafay ma aheyn mid asalkiisu ka yimid iskuulka. Dadka u dayacmay feyruska waxaa ay ahaayeen ardey ka tisran iskuulka iyo shaqaaleba, waxaana la geliyay karantiil. Dadkii kale ee joogay qaybaha kale ee iskuulka looma arko in wax khatar faafista cudurka ah ay soo waajahday. Maamulka magaaldu waxaa ay sheegeen in lala xiriirey dhammaan ardeydii u dayacantay faafista feyruska iyo waalidiintoodaba.

Tirada dadka ka qaybqaadan kara munaasabadaha la isugu yimaado oo aan la xadidin

Xilligaan deyrta ah weli waa la sii wadi karaa qabanqaabinta xafladaha ay isugu imaanayaan wixii ka badan 50 qof. Waxaa arrinkaas la xaqijiyay Isniintii aynu soo dhaafnay, waxaana la ansixiyay Arbacadii 26.8.

Sida uu dhigaayo go’aanka ay gaareen waaxda maamul goboleedka, munaasabadaha ay isugu imaan karaan wixii ka badan 50 qof oo lagu dhigayo gudaha qaacooyinka amma bannaankaba, waa la dhigi karaa haddii dadka qabanqaabiyayaasha ah ay awooddaan in ay sugaan ammaanka ka soo qaybgalayaasha, ayna raacaan talo soojeedinta hay’adaha caafimaadka ee looga hortagaayo faafista feyruska korona.

Isha warka: Yle

W/T: Abdirisak Sugulle