HOGGAANKA IYO CULIMADA MASAAJIDDA FINLAND OO KULAN LA QAATAY XILDHIBAAN SUDLAAN SAID AHMED 20.3.2023

Kulan dhexmaray Culimada iyo maamullada Masaajidda dalka Finland iyo xildhibaan Suldaan Said Ahmed ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Muslimiinta Finland, wadashaqeyntii culimada iyo Xildhibaan Suldaan intii uu baarlamaanka ku jiray, waxyaabaha u qabsoomay xildhibaanka iyo qorshayaasha sida gaarka ah u taabanaya Muslimiinta Finland ee u degsan haddii markale la doorto.

Waxaa si gaar ah kulanka looga hadlay Qabuuraha Muslimiinta lagu saaso ee sii dhammaanaya iyo waxa laga qaban karo, arrinta uu xildhibaanku gudbiyay ee la xiriirta in Finland laga sameeyo habraac maaliyadeed diinta Islaamka waafaqsan oo ay bangiyada Finland ugu adeegaan Muslimiinta dalka ku nool iyo arrimo kale oo si guud iyo si gaar ahba u taabanaya Muslimiinta Finland.

Waxaa kale oo ay culimada iyo Xildhibaanku ka wadahadleen sida wax looga qaban karo caqabadaha ka jira dhinaca waxbarashada carruurta Muslimiinta ah gaar ahaan maaddada Diinta Islaamka.

Culimadan oo ka kala socday todobo masaajid oo waaweyn ayaa Xildhibaanka u muujiyay taageerada ay u hayaan tartarnka uu ugu jiro in dib loo doorto waxayna ku baaqeen in dadka xaqa u leh in ay codeeyaan ee ku dhaqan Helsinki ay codkooda siiyaan Suldaan Said Ahmed.

Xildhibaan Suldaan ayaa muddada kooban ee uu baarlamaanka ka tirsanaa ku noqday xildhibaanka ugu saameynta badnaa Baarlamaanka kaddib markii uu Baarlamaanka Finland u gudbiyay qoraallo, hindise-sharciyeedyo iyo soojeedinno sharciyeedyo fara badan oo dhammaantood si toos ah iyo si dadban u taabanaya nolosha Muslimiinta Finland.

MP Suldaan Said Ahmed oo hadda u taagan doorashada baarlamaanka Finland ayaa culimada u ballanqaaday in uu kordhin doono oo aanu ka daali doonin arrimaha taabanaya nolosha dadka Muslimiinta ah ee Finland.

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri:- ”Muddada kooban ee aan baarlamaanka ku jiray waxaa ii qabsoomay arrimo wax ku ool ah, waxaa kale oo qabyo iga ah arrimo kale oo aan doonayay in aan dhammaystiro, sidaas si lamid ahna waxaan ku taamayaa in aan arrimo badan oo kale baarlamaanka horkeeno Inshaa Allaah, haddii aan markale helo metelaadda dadkayga.”

Wadashaqeynta Culimada iyo Xildhibaan Suldaan ayaa dhanka kale ahayd mid aad u wanaagsan wuxuuna MP Suldaan culimada la qaaday saddex kulan oo waaweyn.

Xildhibaan Suldaan ayaa dhanka kale booqasho ku tegay inta badan masaajidda Helsinki wuxuuna kala hadlay muhiimadda ay leedahay in dadku codeeyo oo aanay codkooda la seexan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudan in maanka lagu hayo in MP Suldaan Said Ahmed uu yahay xildhibaan la dareen ah dadkiisa, fahamsan noloshooda, baahiyahooda iyo waxyaabaha sida gaarka ah u saameynaya noloshooda Diinta Islaamka ku salaysan.

Sidaas darteed, waxay dad badan ku talinayaan in Suldaan markale la siiyo codka si uu madasha lagu jaangooyo siyaasadda Finland (Baarlamaanka) uu ugu metelo dadkiisa.

SSMV