WARBIXIN: MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo safar shaqo ku tegay Soomaaliya

MP Suldaan iyo Guddoomiye Abdi Hashi/Suldaan

Mogadishu:- Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo bartamihii sannadkii hore ee 2022 loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xukuumadda Finland nabaddaynta Geeska Afrika ayaa haatan safarkiisi saddexaad ee shaqo ku maraya geeska Afrika.

MP Suldaan ayaa safarkiisa ka billaabay magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya wuxuuna halkaas kula kulmay madaxda dalka, wasiirro iyo Sharci-dejiyayaal iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Kulamada MP Suldaan Said Ahmed uu la yeeshay madaxda Soomaaliya ayaa sidan u kala dhacay:

Mudane Senator Abdi Hashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qaabilay xafiiskiisa ergayga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Said Ahmed oo islamarkaana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland.

Safarka ergayga ayaa waxaa ku wehliyay Agaasimaha waaxda Geeska iyo Bariga Africa ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland, Mudane Jukka Pajarinen.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa ka wada hadlay kaalinta dowladda Finland ay ka gaysan karto taageerada howlaha shaqo ee Aqalka Sare, ka xoraynta Dalka ee Khawaarijta Al Shabaab, dib u heshiisiinta, Dowlad Wanaagga iyo wada shaqaynta Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Dowladda Finland.

 

 

 

 

 

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Salah Jama oo xafiiskiisa ku qaabilay MP Suldaan Said Ahmed ayaa bartiisa Facebook soo dhigay farriintan hoose: ”Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Suldaan Siciid Axmed, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland, ahna Ergeyga Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika.

Waxaanu ka wada hadalnay kaalinta Finland ee arrimaha Dhab-u-heshiisiinta iyo nabadda ee Soomaaliya.

 

 

MP Suldaan iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee BFS

Ergayga dowladda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane MP Suldaan Said Ahmed ayaa kulan la qaatay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay kaalinta ay dowladda Finland ka qaadan karto horumarinta baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaa narrimaha nabadgelyada Soomaaliya ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyrada iyo ciyaaraha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Xildhibaanno ka tirsan guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Nabadda iyo dhex-dhexaadinta Geeska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland mudane MP Suldaan Said Ahmed oo xubin ka ah Baarlamaanka Finland.

Wasiirka dhallinyarada iyo Suldaan

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga ka socday dowladda Finland ee uu hoggaaminayay MP Suldaan Said Ahmed ayaa waxaa kamid ahaa Jukka Pajarinen, Agaasimaha waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee Wsaaradda Arrimaha Dibadda Finland.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay qorshayaasha muhiimka u leh wasaaradda iyo kaalinta ay dowladda Finland ka qaadan karto hawlaha aadka loogu baahan yahay ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha. Waxyaabaha sida gaarka ah looga baaraandegay ayaa waxaa ka mid ah helitaanka mashaariic waarta oo da’yarta Soomaaliyeed u sahli karta in ay suuqa shaqada ku biiraan.

MP Suldaan oo weli kulamadiisi shaqada ku jira ayaa wuxuu la kulmay wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS Dr. Said Mohamed Ali.

Wasiirrada iyo Ergayga ayaa ka wadahadlay sida ugu macquulsan ee ay dowladda Finland uga caawin karto Soomaaliya arrimaha ka hortagga iyo xakaymaynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka.

Kulamada uu MP Suldaan Muqdisho kula yeeshay madaxda Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale kamid ah kulan uu la yeeshay Wasiiru-dowlaha wasaaradda boostada iyo teknoolajiyad Axmed Cismaan Diiriye. Wasiiru-dowlaha iyo Ergayga ayaa ka wadahadlay qaabka ay dowladda Finland gacan uga geysan karto hannaanka isgaarsiineed ee Soomaaliya.

Aadan Maxamed Cali, Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ayaa isna kulan la qaatay MP Suldaan Said Ahmed waxayna labada mas’uul ka wadahadleen arrimaha la xiriira horumarinta tacabka beeraha iyo si hufan u dhaqashada xoolaha ay Soomaalidu qaniga ku tahay.

MP Suldaan iyo Marwada koowaad ee dalka Mama Sahra

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo weli ku guda-jira safarkiisa shaqada ee Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale kulan la qaatay Marwada Koowaad ee dalka Marwo Sahra Cumar Xasan. Mudane MP Suldaan iyo Marwo Sahro ayaa ka wadahadlay arrimo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, taakuleynta dadka tabaalaysan, xannaanaynta iyo waxbarista carruurta dayacan.

MP Suldaan said Ahmed ayaa wuxuu magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann. Ergayga iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha hadda jira ee Soomaaliya. Kulanka uu MP Suldaan la qaatay Tiina ayaa qayb ka ah kulamo doceedyo uu la qaadanayay intii uu safarka shaqo ee Soomaaliya ku jiray Wakiillada caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya

MP Suldaan Said Ahmed ayaa kulan ballaaran la yeeshay Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayay ku xigeenka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa waaxyaha kala duwan ee gobolka Banaadir waxaana diiradda lagu saaray sida ay dowladda Finland uga gacan siin karto maamulka gobolka Banaadir arrimaha hortabinta u leh horumarinta inkaaniyaadka ay magaaladu u baahan tahay. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Magaalada Muqdisho.

Xuquuqda sawirka/Yusuf Alasow

MP Suldaan ayaa sidoo kale intii uu safarka safarka shaqo ku joogay Muqdisho la kulmay Abdir Aynte, wasiirkiii hore ee Qorshaynta Soomaaliya waxayna ka wadahadleen xaaladda Geeska Afrika. Wasiir Aynte ayaa sheegay, in uu ku farxsanyahay la kulanka Ergayga dowladda Finland u qaabilsan geeska Afrika MP Suldaan Said Ahmed.

 

MP Suldaan ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo ah horseedka dagaallada ka dhanka ah Alshabaab.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa lagu ammaanaa kaalinta dhiiranaanta leh ee uu ku lahaa dagaalka Alshabaab ka dhanka ah ee ka socda inta badan Soomaaliya.

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed ayaa ka shaqeeyay in xiriirka wadashaqeynta Baarlamaannada Finland iyo Soomaaliya uu gaaro heer ay baarlamaannada labada dal ay yeeshaan Gole Saaxiibtinnimo oo ay ku jiraan qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Finland iyo Soomaaliya, kaas oo dhowaan si rasmi ah loo unki doono.

Waxaa kale oo xusid mudan in MP Suldaan Said Ahmed uu hoggaamiyo Golaha Saaxiibtinimada Geeska Afrika ee Baarlamaanka Finland.

MP Suldaan oo Soomaaliya ka soo jeeda ayaa tan iyo wixii ka dambeysay markii loo magacaabay xilkan diblomaasiyadeed ee la xiriira arrimaha nabadaynta, dhexdhexaadinta iyo xasilinta Geeska Afrika wuxuu dardar-geliyay doorka ay Dowladda Finland ku leedahay nabadeynta, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee dalalka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

FG: Faahfaahinta Socdaalka shaqo ee uu MP Suldaan Said Ahmed ku tegayo dalalka kale ee Geeska Afrika halkan kala soco IA.