Finland oo xirtay goobo laga soo tallaabo oo ku yaalla xadka Bari ee ay la wadaagto dalka Ruushka

esteaitahankkeen-pilotin-tyomaa-pelkolassa-16.6.2023-kuva-3/Rajavartiolaitos

Finland oo laga billaabo maanta oo ah 18.11.2023 xirtay goobo laga soo tallaabo oo ku yaalla xadka Bari ee ay la wadaagto dalka Ruushka oo muddooyinkan dambe ka jirtay xiisad keentay in xukuumadda Finland ay dhankeeda ka xirto xuduudda, ka gadaal markii ay dareemeenn dhaqdhaqaaq ka socda dhinaca Ruushka ee xuduudda.

War rasmi ah oo ka soo baxay Hoggaanka ilaalada xuduudaha Finland ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la xiray xuduudda Bariga ee ay Finland la wadaagto Ruushka. Sababta xiritaanka xuduudda ayuu Hoggaanka ilaalada xuduudaha ku sheegay in ay tahay koror ku yimid dadka sida sharcidarradaha ah xadka uga soo taalabaya oo Finland soo geliya.

Hoggaanka ilaalada xuduudaha Finland ayaa sidoo kale sheegay in ififaalaha qulqulka soo-galootiga sharcidarrada ah ee sii kordhaya uu halis ku yahay ammaanka muwaadiniinta iyo kala dambeynta guud

Goobaha xadka dhaca ee ay dolwadda Finland xirtay ayaa kala ah: Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra iyo Niirala waxaana uu go’aanka xadka lagu xiray shaqaynayaa illaa iyo 18.2.2024.

Codsashada magangelyada caalamiga ah ayaa loo qoondeeyay in ay ka dhacdo goobaha xuduudda bariga dhaca oo kala ah Vartius iyo Salla.

Muwaadiniinta Finnishka ah xittaa waa in sida ku cad warka ka soo baxay Hoggaanka ilaalada xuduudaha Finland ay u hoggaansamaan awaamiirta soo baxday oo ay xadka ka soo tallaabaan goobaha furan oo kaliya.

Dhaqdhaqaaqan ayaa ah mid ay dad magangelyo-doon ah ku doonayaan in ay xadka ka soo gudbaan kaddibna magangelyo weydiistaan Finland. Waxaa kale oo jira sida ay xukuumadda Finland sheegtay, calaamado muujinaya in Ruushku uu fududeynayo hawlaha xadka ka socda ee dadka soo jeedo dalal kale oo aan Ruushka ah ay ku soo gelayaan Finland.

Xukuumadda Finland ayaa ka baqaysa in Maamulka Putin uu Finland ku soo fataho soo-galooti badan oo aan la maareyn karin, si Finland oo dhowaan ku biirtay Nato gacan weyna siisa Yukreynta uu Ruushka weerarka ku hayo uu u mashquuliyo una qashqashaado.

Isha warka: Rajavartiolaitos