5 932 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 39 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 20.12.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimcihii kaddib illaa maanta  laga helay feyruska korona 5 932 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 219 250  oo qof.

 

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 340 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 60 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 493 qof, waxaana ay hay’adda THL sheegtay in Jimcihii kaddib ay u dhinteen feyruska korona 39 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in  xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaatay 4 287 779 qof , taasoo u dhiganta 87,6%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 4 076 158 qof, taaso u dhiganta 83,3%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 735 202 qof, taasoo u dhiganta 15,0%.

Kooxda iskuduwidda arrimaha korona ee gobolka Varsinais-Suomi ayaa waxay so jeediyeen in maamul goboleedka nawaaxigaas ay soo rogaan in la joojiyo isuimaatinka munaasabadaha guud iyo shirarka guudba illaa iyo laga gaaro 31.12.201.

Xigasho: Yle