Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 219 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in JImce 23.10.2020 laga helay feyruska korona 219 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 14 474 qof.

Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyina kala ah, Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay feyruska 122 qof. Waaxda daryeelka caafimaadka Vaasa oo laga helay 24 iyo gobolka Varsinais-Suomi 18 qof.

 Hay’adda THL oo dib ka saxday tiradii dhimashada ee ay hore u sheegeen

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa dib ka saxday tiradii dhimashada ee ay hore u sheegtay, waxaana tiradii hore ay ka yar tahay 2 qof.

Dalka Finland waxaa u dhintay cudurka korona awgiis 353 qof. Hore ayay arbacadii u sheegtay hay’addu in tirada dhimashada ay tahay 355.

Waxaa haatan xanuunka awgiis daryeel isbitaal ugu jira 70 qof. 59 ka mid ah dadkaas waxaa ay ku jiraan qaybta daryeelka ee caadiga ah, 11 ka mid ahna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Waaxda daryeelka caafimaadka ee Vaasa oo sheegtay in xadidaada ah kulanka 10 qof uu sidiidsa u sii jiraayo illaa iyo dhammaadka bisha November.

Waaxda maamul goboleedka ee galbeedka iyo bartamaha Finland ayaa sheegtay in xadidaadda ku saabsan kulamada ee lagu soo xadiday 10 ka qof ay waaxda daryeelka caafimaadka ee Vaasa ka sii jiri doonto illaa iyo dhammaadka bisha November.

Si kastaba waaxda daryeelka caafimaadka ee Vaasa waa laga qabanqaabin karaa kulamada ugu badnaan 50 qof, haddii la raacayo tilmaanbixinta xagga ammaanka ah ee arrinkaas laga dejiyay.

Xaaladda faafista feyruska korona ee fara ka baxa ahayd ee ka jirtay waaxda daryeelka caafimaadka ee Vaasa waa ay istaagtay haatan, laakiin xaaladdu waa mid wali dalbaysa in si aad ah loo taxaddaro.

Agagaarka waaxaha daryeelka caafimaadka ee Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Pirkanmaa iyo keski-Suomi waxaa loo oggol yahay in tirada ugu badan ee isuimaatinku uu noqodo 50 qof.

Xarunta ka hortagga cudurrada ee Yurub ayaa ka digtay xaaladda feyruska korona ee Yurub

Xaaladda faafista feyruska korona ee dhammaan dalalka Yurub iyo Ingiriiska ayaa ah xaalad welwel weyn leh, sidaana waxaa sheegtay xarunta la socodka iyo kahortagga cudurrada faafa ee Yurub (ECDC).

Sida waaxdu ay sheegtay xaaladda feyruska waxaa uusan welwel aad u weyn ka taagnayn afar dal oo kaliya oo ka mid ah xubnaha Midowga Yurub, kuwaasoo kala ah Qubrus, Estooniya, Finland iyo Giriiga.

Dalka Poland oo maqaaxiyaha xiraya muddo laba todoodbaad ah

Dowladda Polland ayaa aad u adkeysay amarradii ay ku soo rogtay sidii wax looga qaban lahaa xanuunka safmarka ee korona.

Dhammaan makhaayadaha iyo baararka dalka oo dhan waxaa la xirayaa muddo laba toddobaad ah. Waxaa kaliya oo la oggol yahay in raashinka laga dalbado oo laga soo qaato makhaayadda.

Dadka waxaa la amray in ay 5 qof kabadan isugu imaan Karin. Waxaana dowladdu ay soo jeedisay in dadka wixii ka weyn 70 sano ay illaa iyo muddo aan la cayimin gurigooda ku jiraan.

Iskuullada oo dhan waxaa waxbarashada laga dhigay dhanka internetka ah, marka laga soo reebo fasallada 1-3 ee dugsiga hoose iyo xannaanooyinka.

Dalka Poland waxaa maanta la xaqiijiyay 13 632 qof oo uu cudurka korona ku dhacay. Wasiirka caafimaadka ee dalka Poland Adam Niedzielski ayaa sheegay in uu rajaynaayo in tiradaasi aanay kor u dhaafin 18 000.

Arrinka daryeelka caafimaadka ee dalka Poland ayaa si aad ah u qasan, xaaladaha feyruska korona ee ka jira awgeed. Garoomada kubadaha cagta iyo xarumaha shirarka ayaa waxaa laga asaasay isbitaallo dadka la seexiyo.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Check oo laga dalbaday in uu iscasilo, kaddib markii uu tagay maqaaxi

Ra’iisul wasaaraha dalka Check Andrej Babis ayaa ugu hanjabay in uu ceyrinaayo wasiirkiisa caafimaadka, haddii uusan isagu si iskiis ah jagada uga dagin.

Arrinkaan waxaa sababay kulan uu wasiirka caafimaadka xaaladda korona ee jirta awgeed uu ku qabsaday makhaayad dhexdeed. Waxaana uu sidaasi wasiirka caafimaadku ku jebiyay sharciyadii aadka u adkaa ee ay dowladdu ka soo saartay arrinka feyruska korona.

Kulanka uu makhaayadda ku qabsaday wasiirka waxaa soo kashifay qolada kaamiradaha dadka la dabagalla ee Paparazzi-ga loo yaqaano, kuwaasoo sawiray wasiirka oo makhaayadda ka soo baxaya. Waxaana wsiirku uu kula kulmay makhaayadda gudoomiye ku xigeenka xisbiga xagjirka ah ee ANO Jaroslav Faltynek, saacado kaddib markii uu sheegay ogeysiiska ku saabsan xadaynta cusub ee aadka loo adkeeyay ee ay dowladdu ka soo saartay arrinka la xiriira xaaladda faafista feyruska korona.

Wasiirka caafimaadka ma uusan sidan afshareerka sida ka muuqatay sawirka lagu xaday ee ay qolada Paparazzi-gu ka soo qaadeen, iyadoo ay jirto in dalka laga dhaqangeliyay sharciyada aadka u adag ee qaadashada afshareerka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Check ayaa ku tilmaamay falka uu sameeyay wasiirkiisa caafimaadka mid aan sinnaba loo cafin karin.  Check waa dalka ay ka jirto xaaladda ugu daran ee feyruska korona ee waddamada Yurub.

Dalka Check waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga diiwaangeliyay 14 151 qof oo qaba feyruska korona.

Xaaladda korona ee dalka Turkiga oo sii karaar qaadanaysa

Wasiirka caafimaadka ee dalka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay in xaaladda feyruska korona ee dalka Turkiga ay waddanka oo dhan kor u sii socoto.

Koca oo la hadlaayay warfidiyeennada ayaa sheegay 40 boqolkiiba xaaladihii ugu dambeeyay in laga helay magaalada Istanbul, taasoo shan goor ka badan tan ka taagan magaalada caasimadda ee Ankara.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters waxaa dowladda dalkaas ay haatan ka fekereysaa sidii loo adkayn lahaa xadidaadaha looga hortagaayo feyruska korona. Waxyaabaha ay ka baarandagayaan waxaa ka mid ah in lagu amro dadka dhallinyarada ah iyo kuwa waaweynba in ay guriga ku jiraan, iyo in xadidaado aad u adag lagu soo rogo maalmaha wiikendhiga. Laakiin xagga ganacsiga iyo dhaqaalaha lama doonayo in si buuxda loo xiro.

Dalka Jarmalka

Dalka Jarmalkana waxaa laga helay feyruska 11 242 qof oo cusub, waxaana sidaas sheegay macahadka Robert Koch. Tirada guud ee dadka laga helay Feyruska korona ayaa noqoneysa 403 291 qof. Illaa iyo haatan waxaa cudurka u dhintay 9 954 qof.

Xaaladda feyruska korona ee Jarmalka ayaa ku socota meel aad u xun. Waana maalinkii labaad ee dalka Jarmalka laga helo wax ka badan 11 000 oo xaaladood.

Dalka Talyaaniga oo laga helay tiradii ugu badneyd oo hal maalin laga helo feyruska

Dalka Talyaaniga waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska korona 19 143 qof oo hor leh, waxaana sidaas sheegay howlwadeennada wasaaradda caafimaadka ee talyaaniga.

Waa tiradii ugu badneyd ee illaa iyo haatan laga helo dalka Talyaaniga.  Sidoo kale waxaa u dhintay feyruska 136 qof.

Dalka Holland

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska korona dalka Holland wax ka badan 10 000 oo qof oo hor leh. Waana tiradii ugu badneyd ee laga helo feyruska tan iyo intii uu xanuukan safmarka ah ka bilowday dalka Holland.

Dalka Holland waxaa 14-kii bisha Oktoobar la soo saaray amarro lagu xadidaayo xaaladda feyruska korona, waxaana ka mid ah in la xirey maqaxiyaha iyo baararka waaweyn.

Xiagasho: YLE,HS