Xaaladda Korona ee Finland oo gaartay meeshii ugu sarreysay iyo tirada oo haatan toban kun ku dhow

Helsinki 30.9.2020- Hay’adda Caafimaadka iyo Nololwanaagga Finland (THL) ayaa shaacisay in tirada guud ee haatan diiwaanka la geliyay oo uu fayruska Korona Finland kula dhacay ay tahay 9992.

Tirada dadka qaaday fayruska Korona muddadii labada todobaad ahayd ee la soo dhaafay ayaa gaaraysa 1242, taas oo tira ahaan ka badan 653 muddadii labada todobaadka ahayd ee labadan todobaad ka sii horreysay.

Waxaa kale oo wararka caafimaadku sheegayaan in todobadii maalmood ee la soo dhaafay uu fayrusku ku dhacay 704 qofood.

Goobaha ama deegaanada lagu arkay kiisaska ugu badan ee fayruska korona ayaa ah sidan soo socota: Bartamaha Finland (45,8), Helsinki iyo Uusimaa (38,3, Galbeedka Savo (34,7, Pirkanmaa (18,5), Päijät_höme (16,7), iy Waqooyiga Karjala (16,5).

THL ayaa dhanka kale sheegtay in tirada kiisaska la diiwaangeliyay ee dadka Korona ugu dhintay Finland ay hadda gaaray 344 qofood.

Fayruska Korona dartiis waxaa hadda isbitaalka lagu dabiibayaa 19 qofood, kuwaas oo afar kamid ah ku jiraan qaybta xaaladda degdegga ah.

Guud ahaan tirada dadka baaritaanka Korona lagu sameeyay ee dalkan Finland ayaa Talaadadii la soo dhaafay ee ku beegnayd 29.9.2020 waxay gaartay hal malyan oo qofood (1000,000).

Isha warka: THL, YLE, MTVUUTISET