Wararkii ugu dambeeyay ee feyruska korona iyo caalamka intiisa kale

Kalkaaliso caafimaad oo qaadaysa saamiga korona, Hindiya/xuquuda sawirka: Aljazeera

Jarmalka oo boolisku ay kala direen mudahaarad ballaaran oo looga soo horjeeday xayiraadaha dawladda ee feyruska korona iyo qaabka ay ula tacaaleyso feyruska.

Booliska magaalada Berliin ee dalka Jarmalka ayaa kala direy dad isugu so baxay mudaaharaad ballaaran oo looga soo horjeeday siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan sida ay ula tacaaleyso feyruska korona iyo xayiraadaha la soo rogey ee looga hortagaayo faafista cudurka.

Boolisku waxaa ay go’aan ku gaareen kala dirista dadkii mudaharaadka isugu soo baxay, muddo saddex saac kaddib ah xilligii uu biloowday mudaaradka. Waxaana afhayeen booliska u hadlay uu sheegay in dadka mudaaharaadka waday ay dhinac mareen tacliimaadkii xukuumaddu soo jeedisay ee ahaa in ay masaafo aamin ah isu jirsadaan dadka, islamarkaana aanay xiran wax afshareer ah.

Maalmahaanba waxaa dalka Jarmalka ka jirey muran xoog leh uu u dhexeeyay booliska iyo maxkamadda, iyadoo boolisku ay doonayeen in gebiahaanba la joojyo mudaaharaadkaas, halka maxkamadduna ay diidey joojinta mudaharaadka, oo ay ku tilmaantay in ay ka mid tahay xuquuqaha khaaska ah ee muwaadiniinta.

Ingiriiska oo laga yaabo in ay soo rogaan xayiraado cusub.

Wasiirka caafimaadka ee Ingiriiska Mat Hancock ayaa sheegay in ay suurtaggal tahay in la soo rogo xayiraado cusub, haddii mawajadda labaad ee feyruska korona ee soo cusboonaatay ay ka soo darto xilligaan qaboobaha ee soo socda. Waxaana sida xukumaaddu sheegtay la qiyaasayaa in tiro gaareysa 85 kun oo qof ay u dhiman karaan feyruska.

Mr Hancock waxaa uu u sheegay wargeyska “Times” ee ka soo baxa London, in haddii xaaladaha dadka laga helaayo feyruska korona ay kor u sii kacdo, aan ku khasbanahay ayuu yiri wasiirku, in aan qaadno hawlo ah xayiraad ballaaran ah oo heer hoose iyo mid qarameedba ah, ma jeclin buu yiri wasiirku in ay sidaas dhacdo, haddana ma ahan arrin qariib ah dhicitaankeedu, waana mid la filaayo.

Saadaasha ugu dhibka badan ee dhici karta waxaa weeye ayuu yiri wasiirku ”Xilli hargabeed aad u daran, xaaladda faafista feyrsuka korona oo sii kororta iyo dadka oo waqti aad u dheer guryaha ku xereysnaada”.

Ukrayn oo faafista feyrusku ku sii badaneyso

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa dalka Ukreyn laga helay feyruska korona 2481 qof oo cusub. Iyadoo maalinkii ka horeeyayna laga helay 2438 qof.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Ukreyn ayaa noqneysa 116 987 qof, iyadoo tirada guud ee feyruska u dhimatayna ay gaareyso 2492 qof.

Maalmo kahor ayay Ukreyn go’aan ka soo saartay in si kumeelgaar ah ah loo joojinayo, soo gelitaanka dadka ajaanibta ah ee dalka Ukreyn illaa iyo 28ka bishan Sebtember, waxaana ay sii kordhisay xayiraadda guud ee dalkaas saarneyd illaa iyo bisha Oktoobar, si looga hortago tirada sii kordheysa ee dadka qaba feyruska korona.

 Magaalada Wuhan oo iskuullada dib loo furaayo

Maamulka magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ahayd goobtii uu ka soo bilowday feyruska korona, ayaa shaaca ka qaaday in talaadada soo socota la furi doono iskuullda iyo xanaanooyinka carruurta ee magaaladaas.

Waxaana maamulka hoose ee magaalada uu sheegay in sida la qorsheeyay ay tahay in 2842 hay’adood oo kuwa waxbarashada ay dib hawlahoodii u bilaabaan, iyadoo ay hay’adahaas hoos yimaadaan arday lagu qiyaasay 1.4 milyan. Sidoo kale jaamacadda Wuhan ayaa iyaduna waxbarashadii dib u bilaabi doonta isniinta soo socota 31.8.

Maamulku waxaa ay sheegeen in ay diyaariyen qorshayaal degdeg ah oo tacliinta loogu wareejinaayo dhanka internetka ah haddii ay wax khatar ah soo baxaan. Waxaana ardayda lagu siiyay talo ahaan, in ay afshareerka qaataan marka ay waxbarashada soo aadayaan iyo marka ay u dhammaataba, sidoo kale in haddii ay u suurtaggal tahay ay iska daayaan raacista gaadiidka dadweynaha