Finland waxaa laga helay maanta 93 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 7 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 24.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 93 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 619 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 753 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 27 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 48 qof,  gobolka Kanta-Häme oo laga helay 10 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 8 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 31
Vantaa 9
Turku 6
Hämeenlinna 6
Espoo 4
Mikkeli 3
Kannus 3
Rauma 3
Riihimäki 3
Parkano 3
Lahti 3
Kauniainen 3
Pirkkala 3
Tampere 2
Kokkola 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 118 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  22 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 939 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 7 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 281 781 oo qof (24.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 167 818 763 52 590 739
Tirada u dhimatay feyruska 3 483 822 1 121 519

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 800 057 49 215 429
Tirada u dhimatay feyruska  128 771 648 094

 

  Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 39 483 293 27 751 256
Tirada u dhimatay feyruska  884 995 754 110

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 26,751,681   222 835   4 455  303 751
Baraaziil 16,083,573     36 134      894  449 185
Arjantiin 3,539,484     24 801      375    74 063
Kolombiya 3,232,456     21 669      496    84 724

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,058,341          14 366
63 Denmark 273,494    835     1      2 508
88 Norwey 122,414    451           781
159 Iceland  6 556                29
42 Saudi-Arabia  440,914    1 067     12     7 249
133 Soomaaliya  14 632    9            767

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS