Ciyaaraha Somali Cup ee uu sannad kasta soo qabanqaabiyo Ururka Socus Ry oo Helsinki ka furmay iyo qaybaha bulshada oo ka soo qaybgashay

Guddiga qabanqaabada Somali Cup/Socus Ry

Maanta oo ku beegan 15.7.2023 ayaa waxaa magaalada Helsinki ka billowday ciyaaraha Somali Cup oo sanadkan xiiso gaar ah.

Hoggaanka, aqoonyahannada, dhallinyarada, bahda isboortiga, siyaasiyiinta iyo culimada Soomaaliyeed ee Finland ayaa ka soo qaybgashay munaabsadda furitaanka ciyaaraha Somali Cup oo illaa sagaashaamaadkii uu ururka Socus ry ka qabanqaabinayay Finland.

Waxaa munsaabadda furitaanka ciyaaraha Somali Cup xiiso gaar ah u yeelay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiino oo khadka telefoonka uga qaybgalay hadal mahadnaq, dardaaran iyo dhiirigelin isugu jirana u jeediyay qabanqaabiyaasha iyo ka qaybgalayaasha Somali Cup ee sannadkan 2023.

Guddoomiye Cali Shiino ayaa sidoo kale mahad gaar ah u jeediyay Guddoomiyaha Isboortiga Soomaalida Finland Mudane Cabdulqaadir Macallin (Qooje) oo muddo dheer garab taagnaa dadaal badanna geliyay sare u qaadista iyo taageerista isboortiga Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ciyaaraha Somali Cup ee sannadkan waa Abdullahi Shiino.

Waxaa ciyaarta koowaad ee lagu furan Somali Cup isaga hor-yimid Espoo Iftin vs Malmi waxayna ciyaartaas ku soo dhammaatay 2-2 (barbar-dhac).

Ciyaarta labaad oo ay isku haleeleen Midnimo vs Koivukylä ayaa ku soo idlaatay 1-8 oo ay guusha ku raacday kooxda Koivukylä.

Ciyaaraha Somali Cup ayaa sannadkan lagu furay Garoonka kubadda cagta ee Puotila, Bariga Helsinki.

SSMV

Xuquuqda sawirrada: Socus ry