Xukuumadda Finland oo diyaarinaysa fadhi dheeraad oo ku saabsan xaaladda xuduudda Bari iyo sidii loo sii adkayn lahaa xirirtaanka xadka u dhexeeya Finland iyo Ruushka

Sisäministeriön logo Kuva/Abdi Musse/SSMV

Wargeyska Iltalehti ayaa qoray in uu helay xog sheegeysa in maanta ay xukuumadda Finland diyaarinayso fadhi dheeraad ah oo ay kaga arrinsanayso xaaladda cakiran ee ka taagan xadka ay wadaagaan Finland iyo Ruushka oo maalmihii la soo dhaafay ay ka soo tallaabayeen dadka magangelyo-doon ah oo Ruushka soo maray.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in ay jiryo soojeedin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha Finland oo lagu doonayo in lagu adkeeyo dhaqdhaqaaqa xuduudda iyo qabashada codsiyada dadka magangelyo-doonka ee xuduudda ka soo taalabaaya. Soojeedintaas ayaa waxaa haatan qiimeyn dhinaca sharciga ah ku samaynaya Hormuudka Caddaaladda. Hormuudka Caddaaladdu waa sarkaalka ilaaliya in hawlwadeennada maamulku ay ku dhaqmaan sharciga iyo in tallaabooyinka waxqabad ee la qaadayo ay sharciga waafaqsan yihiin.

Haddii ay dhacdo in uu Hormuudka Caddaaladdu aqbalo soojeedinta adkaynta xuduudda, xukuumadda ayaa yeelanaysa fadhi dheeraad ah oo ay arrinkaas uga gaarayayso go’aan xukuumadeed oo rasmi ah.

Ra’iisal wasaaraha Finland Petteri Orpo oo Isniinta shalay ahayd (20.11.2023) booqday saldhigga xuduudda ee Vartius ayaa sheegay in dowladdu u diyaarsantahay samaynta go’aanno degdeg ah oo la xiriira xuduudda Bari ee ay Finland la wadaagto Ruushka.

Waxaa wakhtigan hadda la joogo qabashada codsiyada magangelyada loo qoondeeyay oo kaliya in lagu qabto saldhigyada xuduudda Bariga ee kala ah Vartius iyo Salla. Waxaa kale oo xiran saldhigyada xuduudda Bari ee kala ah Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra iyo Niirala.

Qiimeynta sharciyeed ee Hormuudka Caddaaladdu samaynayo ayaa ah, tusaale ahaan in gebi ahaanba la hakiyo qabashada codsiyada magangelyada ee xuduudda Bari.

Haddii ay dhacdo in uu Hormuudka Caddaaladdu ku qiimeeyo arrinka, in aan gebi ahaan laga xiri karin xuduudda bari dadka magangelyo-doonka ah, waxay taasi noqonaysaa in Finland ay furto hal goob oo xadka lagaga soo tallaabo si loo hirgeliyo fursad codsiga magangelyada lagu samaynsan karo.

Wargeyska Iltalehti ayaa sidoo kale sheegay, in uu helay war sheegaya in xukuumadda Finland ay rabi lahayd in ay gebi ahaanba xirto dhammaan goobaha xuduudda bariga dhaca ee laga soo tallaabo, sababtoo ah waxaa jira sida wargeysku sheegay, xogo sirdoon oo sheegaya, in saraakiisha Ruushku ay ku soo daabulayaan dadka magangelyo-doonka saldhigyada xuduudda ee furan.

Isha warka: Iltalehti