Maalinta xafladda calanka ee ciidamada xoogga dalka Finland oo Helsinki lagu qabtay iyo cududdda ciidamada qalabka oo la soo bandhigay

Kuva/SSMV/Abdi Musse

Qaybaha kala duwan ee ciidamada Qalabka sida ee Finland ayaa gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ku soo bandhigay bartamaha magaalada Helsinki waxaana halkaas ku qaabilay madaxweynaha Finlannd Sauli Niinistö, wasiirka gaashaandhigga Finland iyo Taliyaha ciidanka xoogga Finland.

Xafladda ayaa waxaa bilay ama sare u qaaday diyaaradaha dagaalka ee miigga loo yaqaan oo joog-hoose ku duulayay iyo gaadiidka gaashaaman ee dagaalka oo dhabbaha Mannerheimintie socod gaabis ah ku maray.

Khudbada madaxweynaha Finland ee ku aaddan maalinta xafladda ciidanka qalabka sida ee Finland halkan ka akhriso: