Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 679 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 01.09.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 679 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 127 861 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 80 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay344 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 82 qof, gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 49 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 48 qof .

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 156
Espoo 70
Vantaa 64
Turku 50
Tampere 30
Kuopio 17
Oulu 16
Hyvinkää 16
Lahti 12
Vaasa 12
Lappeenranta 10
Salo 9
Kotka 9
Kempele 8
Tammela 8
Forssa 7
Hämeenkyrö 7
Rovaniemi 7
Ylöjärvi 6
Lieto 6
Humppila 6
Nivala 6
Porvoo 6
Raisio 6
Seinäjoki 6
Kajaani 5
Kaarina 5
Nurmijärvi 5
Mustasaari 5
Myrskylä 4
Kirkkonummi 4
Kuusamo 4
Vihti 4
Kouvola 4
Kerava 4
Mikkeli 4
Imatra 3
Kokkola 3
Kristiinankaupunki 3
Järvenpää 3
Sotkamo 3
Utajärvi 3
Haapavesi 3
Haapajärvi 3
Alavus 2
Hamina 2
Ylivieska 2
Parainen 2
Lieksa 2
Lohja 2
Pyhäjoki 2
Kuhmo 2
Kemi 2
Hanko 2
Keuruu 2

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 98 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 23 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1030 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 71,9%tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 50,3 % tirada dadka Finland (01.09.).