Finland waxaa laga helay 224 xaaladood oo nooca cusub ee feyruska korona ah

Isniin 8.2.2021. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL waxaa dalka Finland laga helay 224 xaaladood oo nooca cusub ee feyruska korona ah. Noocyada feyruska ee cusub ayaa 207 ka mid ah ay yihiin nooca cusub ee Ingiriiska laga helay, halka 17-ka xaaladood ee kalena ay yihiin nooca cusub ee laga helay dalka Koonfur-Afrika.

Sida ay sheegtay hay’adda THL wali illaa iyo haatan lagama helin dalkan Finland nooca cusub ee feyruska ee laga helay dalka Baraasiil. Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in nooca cusub ee feyruska Baraasiil laga helay uu xagga faafista ka khatar badan yahay dhammaan noocyada kale.

Xigasho:YLE