Finland waxaa laga helay maanta 348 xaaladood oo feyruska korona ah

Talaada 26.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 348 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 43 120 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 187 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 24 qof iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 22 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 83 qof, Vantaa: 49 qof, Tampere: 21 qof, Espoo: 19 qof , Jyväskylä: 17 qof, Oulu: 13 qof, Turku: 12 qof, Kuopio: 11 qof, Vaasa: 7qof, Järvenpää: 6 qof, Porvoo: 6 qof, Mikkeli: 5 qof, Lahti: 5 qof, Kaarina: 4 qof, Nurmijärvi: 4 qof, Pori: 4 qof, Vihti: 4 qof, Kirkkonummi: 4 qof, Hautala: 4 qof, Magaalooyinka kala ah: Rauma, Joensoo, Karkkila, Kontiolahti oo min 3 qof laga helay, Sidoo kale magaalooyinka kala ah: Naantali, Tuusula, Kerava, Kotka, Pietarsaari, Muhos, Lappeenranta, Vöyri, Raahe, Rovaniemi, Hankasalmi, Pyhtää iyo Mänttä-Vilppula oo min 2 qof laga helay. Inta soo hadhay ee magaalooyinka kale ahna min 1 qof ayaa laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 131 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 655 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 11 qof oo hor leh.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

   32 327 681    100, 339 568
         705 227       2 151 272

 

 Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 25,8 milyan  152 244     1 897  431 392
2 Hindiya 10,7 milyan      9 036        116  153 624
3 Baraaziil 8,87 milyan    28 364        631  217 712
4 Ruushka 3,73 milyan    19 290        456    69 918
5 Ingiriiska 3,66 milyan    22 195        592    98 531
6 Faransiiska 3,06 milyan      4 240        445    73 494
7 Isbeyn 2,69 milyan    38 682        257    56 208
8 Talyaaniga 2,47 milyan      8 561        420    85 881
9 Turkey 2,44 milyan      5 642        137    25 210
10 Jarmalka 2,15 milyan      6 884        625    53 402
11 Kolombiya 2,02 milyan    12 261        373    51 747
12 Arjantiin 1,87 milyan      7 587        207    47 034
13 Meksiko 1,76 milyan    10 872        530  149 614
14 Poland 1,48 milyan      2 418          38    35 401
15 K/afrika 1,42 milyan      4 551        243    41 117
16 Iiraan 1,38 milyan      6 309          98    57 481
17 Ukriane 1,19 milyan      2 516          63    21 924
18 Peru 1,09 milyan    39 777