Finland waxaa laga helay maanta 383 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 14.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 383 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 98 888 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 61 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 222 qof, waxaa kaalinta labaad ku jira gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 42 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 118
Espoo 42
Turku 26
Vantaa 25
Tampere 22
Lahti 20
Kuopio 12
Kouvola 10
Siilinjärvi 8
Kirkkonummi 5
Lappeenranta 5
Nurmijärvi 5
Porvoo 5
Rovaniemi 5
Kauniainen 5
Loimaa 4
Lieto 3
Järvenpää 3
Hamina 3
Rauma 3
Salo 3
Raisio 2
Hyvinkää 2
Lempäälä 2
Raasepori 2
Loviisa 2
Mäntsälä 2
Mikkeli 2
Hanko 2
Jyväskylä 2
Kerava 2
Oulu 2
Riihimäki 2
Kaarina 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 44 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 978 qof, kaddib markii ay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaaggu ay sheegtay maanta dhimashada 2 qof oo hor leh.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 579 oo qof, kuwaasoo 7 715 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 424 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 435 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 ,5 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1,4 milyan oo qof (14.07.).

Xigasho:YLE,HS