Finland waxaa laga helay maanta 842 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaco 17.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 842 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 68 693 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 205 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 83 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 529 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay129 qof,  gobolka Päijät-Häme oo laga helay 37 qof, iyo Pirkanmaa oo laga helay 34 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan laga helay waxaa ka mid ah:

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 272 Kauniainen 4
Espoo 90 Hämeenlinna 4
Vantaa 90 Raisio 4
Turku 77 Rauma 3
Lahti 27 Raiso 3
Tampere 22 Salo 3
Lappeenranta 20 Lieto 3
Porvo 19 Valkeakoski 3
Kaarina 17 Sipoo 3
Joensuu 11 Kouvola 3
Oulu 11 Ylitornio 3
Jyväskylä 8 Pukkila 3
Lohja 8 Lempäälä 3
Laukaa 8 Paimio 2
Kerava 7 Parainen 2
Vihti 7 Uusikaupunki 2
Järvenpää 7 Vehmaa 2
Kirkkonummi 6 Vaasa 2
Kuopio 6 Loimaa 2
Ylöjärvi 5 Mäntsälä 2
Kauhava 5 Kajaani 2
Hyvinkää 5 Kauhajoki 2
Aura 4 Pyötyä 2
Pieksämäki 4 Kärkölä 2
Heinola 4 Nousiainen 2
Raasepori 4 Nurmijärvi 2

 

Tiro ku dhowaad illaa iyo 30 magaalo oo kale ayaa  waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 278 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  56 qof, waxaana tiradii shalay ku soo korortay 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 804 qof, kaddib markii THL ay sheegtay maanta in 3 qof oo hor leh ay u dhinteen  xanuunka feyruska korona awgiis. Laba toddobaad gudahood waxaa dalkaan Finland xanuunka feyruska korona awgiis ugu geeriyooday 46 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 736 qof, kuwaasoo 1 633 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 102-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 636 300 oo qof (18.03)

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunka oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       40 219 085     121 386 456
             903 778          2 684 410

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,231,550    53 231    1 248  549 367
2 Baraaziil 11,609,601    84 124    2 798  282 400
3 Hindiya 11, 438,464    28 869       187  159 079
4 Ruushka   4,409,438      9 393       443    92 937
5 Ingiriiska   4,268,821      5 294       110  125 690
6 Faransiiska   4,108,108     29 975       338    91 170
7 Talyaaniga   3,258,770     20 396       502  103 001
8 Isbeyn   3,200,024      4 962       141    72 565
9 Turkey   2,911,642    16 749         71    29 623
10 Jarmalka   2,594,675      9 290       316    74 431
11 Kolombiya   2,309,600      3 716       125    61 368
12 Arjantiin   2,210,121      8 235        200    54 036
13 Meksiko   2,167,729      1 439        234  194 944
14 Poland   1,931,922    14 397        373    47 579
15 Iiraan   1,763,313      8 380          97    61 427
16 Konfur-Afrika   1,530,966         933        139    51 560
17 Ukraine   1,477,190      9 642        264    28 697
18 Indonesia   1,430,458      5 414        180    38 753
19 Peru   1,427,064      8 090        153    49 330
20 Czechia   1,413,057    10 601         205    23 788
21 Netherlands   1,167,563      4 902           32    16 119
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS