Finland waxaa laga helay maanta 303 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 5 xaaladood oo dhimasho ah

Talaada 22.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 330 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 33 717 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 65 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 135 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 48 qof laga helay, Vaasa oo 42 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:  Helsinki: 62 qof, Mustasaari 34 qof, Turku 28 qof, Vantaa: 24 qof, Espoo: 19 qof, Turku: 15 qof , Kerava 12 qof, Nokia 9 qof, Jyväskylä 9 qof, Lahti 7 qof, Vaasa 7 qof, Oulu 6 qof, Kauniainen 6 qof, Kaarina 6 qof, Tornio 4 qof, Tampere 3 qof, Lieto 3 qof, Parainen 3 qof, Hämeenlinna 3 qof, gobolka Lappi 6 qof, Etelä-Pohjanmaa 3 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 273 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 511 qof., kaddib markii maanta oo talaada ah ay dhinteen 5 qof oo hor leh.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 24 182 030   77 862 704
 

Tirada u dhimatay feyruska

    522 508      1  712 010

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 18,4   milyan  200 109    1 841 326 772
  2 Hindiya 10      milyan    19 174       302 146 145
  3 Baraaziil 7,26   milyan    25 621       549 187 322
  4 Ruushka 2,87   milyan    29 350       493   51 351
  5 Faransiiska 2,48   milyan      5 797       351   60 900
  6 Ingiriiska 2,07   milyan    33 364       215   67  616
  7 Turkiga 2,04   milyan    19 103       254   18  351
  8 Talyaaniga 1,96   milyan    10 872       415    69 214
  9 Spain 1,83   milyan      7 503       112    49 260
10 Arjantiin 1,55   milyan      5 853       184    41 997
11 Jarmalka 1,53   milyan     19 333       533    27 297
12 Kolombiya 1,51   milyan     10 845       205    40 680
13 Meksiko 1,32   milyan       6 870       326  118 202
14 Poland 1,21   milyan       4 633         77    25 474
15 Iiraan 1,16   milyan       6 151       191    53 816

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS