Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 451 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 16.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 451 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 117 982 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 248 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 49 qof, gobolka Varsinais-Suomi waxaa laga helay 28 qof, iyo gobolka Pohjois-pohjanmaa  oo laga helay 20 qof .

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 117
Vantaa 55
Espoo 41
Tampere 33
Rovaniemi 31
Jyväskylä 20
Turku 19
Oulu 15
Lappeenranta 11
Nokia 8
Joensuu 7
Nurmijärvi 6
Tuusula 6
Vaasa 6
Järvenpää 6
Kangasala 4
Kaarina 4
Lohja 4
Närpiö 3
Kajaani 3
Imatra 3
Kouvola 3
Porvoo 3
Lahti 3
Ylivieska 3
Kuopio 2
Vihti 2
Lempäälä 2
Kirkkonummi 2
Mikkeli 2
Kerava 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 107 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 30 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1003 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 12 281 oo qof, kuwaasoo 7 953 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 445 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 876 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 13.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,8 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 68,9% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,2 milyan, taasoo u dhigmata 42,5 % tirada dadka Finland (16.08.).

Xigasho:YLE,HS