Magaalada New York ayaa waxaa ku dhex faafaya nooc cusub oo feyruska korona ah oo aad welwel u leh

Khamiis 25.2.2021. Magaalada New York ee dalka Maraykanka waxaa si xawli leh ugu dhex faafaya nooc cusub ee feyruska korona ah, kaasoo keenay welwel aad u xoog badan, sidaasna waxaa sheegtay jariidada New York Times (NYT).

Arrinkaan waxaa lagu caddayn doonaa laba baaritaan oo kala duwan oo la sameeyay, kuwaasoo aan wali lagu sameyn qiimaynta isbarbardhigidda feyrusyada amaba aan wali lagu samayn baahin ku saabsan dhanka cilmi ahaanta.

Warar hordhaca ah oo laga soo saaray noocan cusub ee feyruska ayaa sheegaya, in ay suurtaggal tahay in noocyadii hore ee jiray uu dhanka u adkaysiga ama kahortagga tallaalka kaga awood badan yahay feyruskayada kale, marka loo eego dhammaanba tallaalada la horumariyay ee looga hortagaayo feyruska korona, arrinkaas oo ah midka keenay welwelka aadka u weyn.

Xigasho: YLE